Somaliland: Miyaa La Celiyey Hablihii Dhaqan-celinta Loo Keenay Hargeysa, Waa Sideese Xaaladdoodu ?

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Hablo Dhaqan-celis ahaan loo keenay Hargeysa oo Dalalka ay Dhalashooyinkooda haystaa doonayaan in dib loogu celiyo.

Xukuumadda Somaliland, ayaa Toddobaadkii hore Dugsi Waxbarasho oo Hargeysa ku yaalla kala baxday Hablo Da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 20 Sano jir, kuwaasi oo markii hore Waalidkoodu Dalka u keeneen Dhaqan-celis ahaan, ka dib markii sida la sheegay mid ka mid ah Hablahaasi oo Goobta ka baxsatay ay Internet-ka ku gaadhsiisay Dalkii ay dhalashadiisa haysatay Farriimo ah in lagu dhibaateeyo Goob Waxbarasho oo ku taalla Hargeysa, taasina sababtay Faro-gelin Dibadeed oo Xukuumadda Somaliland ku riixday inay Hablaha kala baxdo halkaasi isla-markaana uu bilaabmo qorshihii dib loogu celin lahaa Dalalkii ay ka yimaaddeen.

Wasiir Sacad oo Telefiishanka Star waydiiyey in Hablahan la celiyey iyo in kale, ayaa ku jawaabay “Hablahaa lama celinin, Hablahaasi waxay ahaayeen Hablo Mudakar ah oo sita Baasaaboor Dalal Ajanabi ah, haddaynu nahay Waalidiinta innagaa Dalalkaa geynay ama kuba dhalnayba, markay ku dhasheen ama tageenba xuquuqo ayay yeesheen oo ay ku yeesheen Waddamadaa ay joogaan. Markii ay soo baxday in Xaaladda ay halkan ku dhaqnaayeen tahay Xaalad adag waxay war-geliyeen Dawladahoodii oo annagu maanu war-gelin, Cid ka socota Dawladahoodii ayaa timid, markii la waydiiyey inay iyagu Go’aanka leeyihiin hadday Waalidkooda la joogayaan iyo hadday Safaaradaha (Dalalkay ka yimaaddeen) raacayaan, waxay wada go’aansadeen in la celiyo, marka laga reebo laba Hablood oo sheegay inay Waalidkooda la joogayaan (Halkan), kuwa kalena mid walba waxay tidhi waxaan doonayaan inaan Hooyaday ku noqdo. Markaa mid wax loo go’aamiyey ma jirto, ee mid walba iyadoo Miyirkeeda qabta ayay Go’aansatay. Hablaha waxa lagu sameeyay baadhitaan Caafimaad, mid jidhka ah iyo Mid Maskaxda ahba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...