Somaliland: Jamhuuriyadda Somaliland Oo Cadaysay Mawqifka Shirka London Ee Somalia Loo Qabanaayo.

Date:

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa walaac ka muujiyay in la qaado cunaqabateynta Hubka ee saarnayd Dalkaasi Soomaaliya, waxayna Somaliland in aanay ka qeyb galeyn shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wareysi siiyay Idaacada BBC ayaa sheegay in shirka London lagaga hadlaayo aanay quseyn Somaliland, isla markaana shirkaas uu yahay mid looga hadlaayo aayaha Soomaaliya.

“Anagu nama quseeyo shirka London, waxaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya oo aanu Jaar nahay”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire. Dr. Sacad Cali Shire ayaa walaac ka muujiyay in xilligan la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya, oo ay qeyb ka tahay qorshaha amniga Qaranka.

Waxaa uu sheegay in hadii la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay dhib badan abuuri karto, isla markaana gobolka uu saameyn ku yeelanayo.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshaha dhismaha ciidamada, isagoo walaac ka muujiyay in xilligan ciidamo laga qoro deegaanada Somaliland, sida Buuhoodle oo uu xusay in gacanta ugu jirin maamulkooda. Shirka London ayaa lagu wadaa inuu furmo 11-ka bishan, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...