Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Guddiga Iskaashada Basaska Caasimadda, ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in Qiimaha lagu raaco Basaska iskaga kala goosha Hargeysa uu sidiisii yahay isla-markaana Iskaashatada Basasleydu ka noqotay Go’aankii ay Doraad illaa Habeen hore Labada kun kaga dhigeen Qiimaha Baska lagu raaco.
Basaska Iskaga goosha Xaafadaha Hargeysa qaarkood, ayaa Habeen Doraad ilaa Habeen hore Shan boqol oo Shilin ku daray qiimaha Baska oo awal hore ahaa kun iyo Shan boqol, laakiin kulan ay Shalay Hargeysa ku yeesheen Maamulka Dawladda Hoose ee Caasimadda iyo Guddiga Iskaashatada Basaska, ayaa waxay isku afgarteen in Qiimaha Basaska lagu raacaa uu intiisii hore ahaado.
Maayar ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) oo markii uu dhamaaday kulanka ay arrintan kala yeesheen Guddiga Basasleyda la hadlay Saxaafadda, ayaa yidhi “Maanta oo ay Taariikhdu tahay 7/05/2017 (Shalay) waxaanu halkan ka caddaynaynaa Annaga oo ah Dawladdii hoose iyo Iskaashada Basaska Hargeysa ee City Bus, in Maanta laga bilaabo aanu jirin qiimaha Basaska lagu raaco oo la kordhiyey, ee Qofka lagu qaadayo uun 1500 ee horeba lagu qaadi jiray, wax intaa ka badan oo lagu qaadayaana aanay jirin.”
Maayar ku-xigeenku wuxuu sheegay oo kale, “Waxaan u Mahad-naqayaa Guddiga Iskaashada Basaska Caasimadda oo ah Iskaashato lexejeclo badan ka leh Dadka Caasimadda. Annaga oo og inay hayso inta Dadka kaleba haysa oo wax walba ku qaaliyoobeen, Roobkiina raagay, Go’aanka adag ee Raganimada leh ee ay ku qaateen in aanay Shacabka waxba ku kordhin (Qiimaha Basaska), oo aan Kun iyo Shantii boqol aan waxba lagu darin.”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska Hargeysa Mr. Cabdirixiin, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay “Waxaan idiin sheegayaa in aanay waxba iska beddelin qiimihii Basaska lagu raacayey.”ayuu yidhi.