Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah culimada reer Somaliya waxaa uu si adag uga hadlay isla-markaana Tallaabo Qaranka Ceeb ku ah ku tilmaamay in Xukuumadda Somaliland ay Dalalka Qaaradda Yurub dib ugu celiso Hablo yaryar oo Waalidiintoodu Hargeysa u keeneen inay bartaan Diinta iyo Dhaqanka wanaagsan ee Islaamka.
Xukuumadda Somaliland, ayaa Toddobaadkii hore Dugsi Waxbarasho oo Hargeysa ku yaalla kala baxday Hablo Da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 20 Sano jir, kuwaasi oo markii hore Waalidkoodu Dalka u keeneen Dhaqan-celis ahaan, ka dib markii sida la sheegay mid ka mid ah Hablahaasi oo Goobta ka baxsatay ay Internet-ka ku gaadhsiisay Dalkii ay dhalashadiisa haysatay Farriimo ah in lagu dhibaateeyo Goob Waxbarasho oo ku taalla Hargeysa, taasina sababtay Faro-gelin Dibadeed oo Xukuumadda Somaliland ku riixday inay Hablaha kala baxdo halkaasi isla-markaana qaarkood dib ugu celiso Dalalkii markii hore Waalidkoodu ka soo kaxeeyay.