Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay xadhiga Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada iyo Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Waddani,waxaanu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in xoriyadooda dib loogu soo celiyo, waxaanu Garsoorka iyo Maxkamadaha kula taliyey inay mar walba dhex u ahaadan Xukuumadda iyo Mucaaradka.
Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka, roobabka curtay,abaaraha iyo kaadh qaadashada, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada iyo Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Waddani, wey xidhan yihiin, dhawr jeer baa Maxkamadda la keenay, Maxkamad baa ku socota, waxaan ku rajo weynahay inay Maxkamaddu cadaalada ku shaqeeyso, Maxkamadduhu iyagaa dadka u dhexeeya, iyaga u dhexeeya Mucaaradka, Xisbiyada iyo Xukuumadda, rajo fiicana waan ka qabnaa in Masuuliyiinta xidhan xoriyadoodii loo soo celiyo”.
Xoghayaha ku xigeenka Waddani mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararka Xukuumaddu wey ku fashilantay, waxna wey ka qaban weyday, Shacabkiina arintaasi meel xun bay la maraysaa, maantana dadkii danyarta ahaa waxay iibsan karaan ma jiraan”.
Xoghaye ku xigeenka Waddani mar uu ka hadlaayey roobabka curtay iyo abaarta ayaa yidhi “Roobabku meel badan wey ka da’een, laakiin meel wali abaartii ka jirto, oo aanay roobab aanay ka di’in ayaa jira,meelaha aanu ka curana waxaanu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu ka curto, oo uu ina siiyo roob khayr qaba, waxa se dhab ah in dadkii ay macaluuli hayso oo xoolihii ka dhammaadeen, waxayna dadkii u baahan yihiin gurmad iyo raashin, haddana waxa bilaamay shuban, shubankana waxa bilaabay gaajada iyo cunto la’aanta”.
Dhinaca kale Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani wuxuu guud ahaan Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay qaatan kaadhka cod bixinta, ee lagu galayo Doorashada, waxaanu sheegay in dalku is bedel u baahan yahay, isagoo si gaar ah u sheegay in Xisbiga Waddani uu yahay Xisbiga qudha ee dalka ka saari kara marxalada uu ku jiro.