Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa si adag uga digay qorsheyaal uu sheegay in meesha lagaga saarayo cuno-qabaynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxana uu tilmaamay in halis xagga ammaanka ahi ka dhalan doonto tallaabadaas.
Guddoomiye Faysal oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa xukuumadda Somaliland ka codsaday inay caddaysto mawqifkeeda ku aaddan isku dayada la doonayo in meesha lagaga saaro cuno-qabataynta saaran hubka Soomaaliya usoo dega, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shirka dhawaan London ka dhacay waxa ku jira qodob la doonayo in cuno-qabataynta hubka lagu qaado, dawladduna waa inay taas ka hadashaa, hubkaas la fasaxoyana Soomaaliyi way isku dilaysaa, inagana khatar buu inagu hayaaye waxa inooga yaallao waa in la sheego.”
Guddoomiyuhu waxa uu farriin gaar ah u diray shacabka reer Somaliland, waxana uu ka dalbaday inay halistaas cusub maanka ku hayaan, una diyaar garoobaan cawaaqibkeeda, isaga oo beesha caalamkana farriin codsi u diray, “Waa inaynu shilinka inoogu dambeeya hub siisanaa, adduunkana waxanu leenahay ma jiraan ciidamo soomaaliyeed oo is aaminsanaye hubkaas beelo ayaa qaadanaya beelo kale oo ay ka xoog weyn yihiin doonaya inay ku dilaan,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Faysal Cali-waraabe waxa uu muujiyey sida uu uga warwarsan yahay lumitaanka dantii guud ku yimi iyo sida ay bulshaduu u noqotay mid dano gaar ahaaneed u heellan, waxana uu yidhi, “Reer Somaliland-now baylah baynu nahay oo masuuliyad meesha ka muuqata ma jirto, qof kastaana dantiisuu iska wataa uun.”