Somaliland: “Anigu Waxa Aan Isku Sharraxay In Aan Cabdiraxmaan Cirro Iyo Muuse Biixi Dalka Ka Badbaadiyo” Faysal Cali Waraabe

Date:

Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo khudbad u jeedinayay taageerayaal cusub oo kaga soo biiray Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa ka hadlay siyaasada qabiilaysan ee ka jirta Somaliland waxaanu ugu baaqay dadweynaha inay ka digtoonaadaan waxaanu yidhi “waxa wax laga yaqyaqsoodo ah inta afar jaad doonayaa la soo kaxeeyo ay yidhaahdaan haddii aanu nahay reer hebel waxa aanu ku biirnay xisbi hebel, waa wax laga xishoodaa, anniga ayaan odhan karayn haddii aanu nahay qoyska reer Faysal xisbi ayaanu ku wad biirnay” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sababta uu mar saddexaad isku sharraxay Madaxweynaha Somaliland sheegay in uu doonaya in uu dalka ka badbaadiyo labada Murrashaxa ee xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) waxaanu yidhi “annigu waxa aan isku sharraxay mar saddexaad runta ayaan idiin sheegayaaye Cabdiraxmaan iyo Muuse Biixi ayaa dalka ka badbaadinayaa midna awood uu dalka ku wado ma leh” Eng Faysal Cali Waraabe .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...