Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu magaalada Muqdisho ee dalka Soaliya u tagaayo sidii uu ugu soo bandhigi lahaa muxaadarooyin ku saabsan qadiyada Somaliland iyo waxyaabaha ka qaldamay midnimadii ay Somaliland dib uga laabatay.
Waxa uu Dr.Xuseen Bulxan daboolka ka qaaday in kulan ay dhawaan ku yeesheen ururada bulahsada ee Somaliland iyo Somaliya uu kula qaatay kooxdii ka timid Somaliya inuu khudbad ku saabsan Somaliland arimaheeda uu u jeediyo ururada bushada iyo aqoonyahanka reer Muqdisho.
Talaabadan Dr. Bulxan oo ahmid geesinimo leh wuxuu xalay ka sheegay khudbad uu u jeediyay dhallinyarada iyo aqoonyahanka Somaliland ee ururada bulshada, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan
“Naroobi markii aanu tagnay waxa timi kaalaya oo dadkayagu waxba ma ogee wax u sheega, oo marka ay Somaliland ka doodayaan waxay ka hadlaan wax yar oo kooban oo aan macno samaynayn, markaas caqabada sanka lagaa marinaayo ee dibada uun aad ka doodayso, waxay noqotay runtii mid aan la dhaafi karin siday aniga ila tahay, waxa ii cad haddii aad shaqsi wax isku haysataan oo ay aqoontaydu ii sheegaysaa inta aad karto inaad la heshiiso cidaas aad wax isku haysataan, sida dhexdhexad loo helaa way adagtahay oo goor walba cida sadexaad waxay wadataa arinkale, barnaamijka uu wataana mid aan adigu doonayso maaha, waxa kale oo ii cad in arinkan Somaliya iyo Somaliland oo aad u murgay oo dhawr iyo labaatan sanadood aynu meel cidla ah taaganahay, iimana muuqato in xukuumadaha uun aynu isku sii dayno iyada oo ay yihiin kuwii loo igmaday, shacbi ahaan inaga laynooma igman inaan wada hadal galno, kuwa loo doortay ayay shaqadooda tahay, laakiin waxay ila tahay bulshada door ku leedahay taariikhda oo haddii ay ka seexdaan ay mushiladi taalo, inta badana roolkooduna uu noqonaayo mid xal raadin ah oo u dan ah dalkii iyo dalkii, oo hadaanay wax kale jirin kuwii hawsha loo igmaday inay keenaan waxii la doonayay taakulaynaanayay ee wax la qabanaayay.”
Dr.Bulxan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”anigu waxa aan qabaa dibadaha waa laga dedaali jiray, gudahana waa laga dedaali jiray in dadaalkii la yara kordhiyo ayaa ii muuqatay, wakhtigaas ay qaar ururada bulshada ka mid ah ay leeyihiin kaalaya, waliba kooxahaas aanu la hadlaynay maaha kuwo muran mutaxan uun iska soo daynaayay ee waxay ahaayeen qaar leh waxan aad ku hadlaysaan dadkayagii waa inay maqlaan, anigu waan aqbalay inaan tago, inkastoo aan ku idhi waar meeshiinu meel la tago maaha, oo waxaas qarax iyo mushkilad ka socota nin meel nabad ah iska joogaa wad iyo waali soo wada mooyaane wax la tago maaha, anagu sida aanu u haysano. Hase yeeshee caqabadan aad dhigaysaan haddii Soomaali guud ahaan iyo Somaliland iyo aadamahaba ay wax tarayso, anigu shaqsi ahaan 22 sanadood ayaan dalkan aanan waxba ka reeban, meel ay dantoodu ugu jirtana waan tagayaa ee waan idiin imanayaa ee diyaariya. Waxay yidhaahdeen dib ayaanu isugu noqonaynaa, go’aankii ayay yidhaahdeen anaga ayaa diyaarinayna, ciwaankuna maaha wada hadal ee waa qadiyada Somaliland in dadka loo sheego, waxa kale oo ay la yimaadeen codsi ah waxaanu qabanaynaa shir ilaa toddoba sideed jaamacadood oo mid walba ay ka imanayaan ilaa toddoba sideed qof, oo madaxdooda ah, ururada bulshada ee jooga Muqdisho markaas laba lagjar oo midi yahay qadiyada Somaliland midka kalena arinta taroomaha ayaa nagu badan ee inaad ka bixiso,labadaba waan aqbalay.”
Waxa uu ugu danbayntii hadalkiisa ku soo gunaanaday Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan”khudbadaas ku saabsan Somaliland cid aan dood kala galayaa ma jirto, sidee aan u gali karaa, haddii dood la galaayo waxay ay u baahantahay dhul dhexdhexaad ah, runtii si wanaagsan oo sharaf leh ayay iigu yidhaahdeen dood aad galaysaa ma jirto ee lagjarka bixi, oo Somaliland dhiib siday kuula muuqato, waxaana laga yaaba in su’aal lagu waydiiyo, laakiin wax dood ah ma jirto. walaalayaal waxaan go’aansaday aniga oo dan moodaaya ogna culayska ay leedahay waxaan dan mooday inaan arinta Somaliland hadii boqolkiiba labaatan uun dadka aqoonta leh oo aqbalaaya aan helo waxaan filayaa arintaas in waxuun ku soo jeesanayaan, jaalanjigaasna aan meel iska dhigno, se aan la soo noqdo waxii halkaas ka soo baxa aynu sidan oo kale ka wada hadalno. Laba arimood ayaana go’aansaday intaanan tagin oo midi waxa weeye in xukuumada Somaliland arinkaas aan la socodsiiyo, waayo waa waxa uu sharciga iyo xeerkuba yahay, inaan u sheego oo aan idhaahdo arinkaas ayaa jira, waxaan rajaynayaa intaanan tagin in aan madaxweynaa is aragno oo arinkaas aan u sheego waana laygu maqan yahay, mida labaad ee aan go’aansaday waxa weeye shaqsi iska socda ma ihiye daruufahaas ayuunbaa keenay inaan cod noqodo, laakiin dad idinka oo kale ah inaan ka socdo(Aqoonyahanka), waxaanan idiinku yeedhay xogwarankaas iyo waxii talo ah ileen fariinbaan qaadayaaye oo dadbaan ka socdaaye in aanan ka dhigin wax gaar ah, saddex marka aan meeshaas tago in aanan iska hoyan ee aan dadka wax soo gaadhsiiyo, laga yaaba in uu bilowdo jid ay ururada bushada iyo aqoon yahankuba ay leeyihiin labada dhinacba iyada oo xukuumadeenuba ay ina ogtahay.”
Khudbadan aqoon yahan ka soo jeeda Somaliland uu doonayo inuu ka jeediyo magaalada Muqdisho ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee taariikhada Somaliland ay dhacdo mid sidaas oo kale ah, waxaanu Dr. Bulxan u muuqdaa inuu sameeyay talaabo geesinimo leh.