Halkan Ka Akhri Fashilka Guddiga Komishanka Qaranka Ee Qaybinta Kaadhadhka Codaynta Doorashada Iyo Dhibka Dadku Ay La Kulmeen Markii Ay Goobaha Lagu Bixinayo Tageen
Iyada oo ay maalinkii Afaraad gashay qaybinta kaadhadhka codaynta Doorashada ee gobolada Saaxil,Awdal Iyo Xeebaha Sanaag ayaa Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Berbera iyo Borama soona gaadhaya Shabakada Wargane ay sheegayaan in ay guddiga Komishanka Qaranka Somaliland ay ku fashilmeen inay xal u helaan caqabado lasoo gudboonaatay dadkii qaadanayey kaadhadhka codaynta ee ku kala sugnaa deegaanada Borama iyo Berbera.
Waxaana xoguhu Wargane u xaqiijiyeen in dad badan oo sitay waraaqiihii loogu badalayey kaadhka ay waayeen kaadhkoodii markii ay tageen goobihii ay ka galeen diiwaangalinta,waxaana dadkaasi shaqaalaha goobahaasi ku sugan ay ku wargeliyeen inaanay hayn kaadhkoodii meeshana aanu oolin,iyaga oo u direy goobo kale,intaasi kadib markii dadku hadana ay goobahaasi tageen sidaas si lamid ah shaqaalihii goobta joogay ay iyaguna ugu wargelinayaan inaanay kaadhkooda hayn.
Waxaaan arrinkan ay caqabad ku noqotay bulshadii heeganka u ahayd inay qaataan kaadhka codaynta,iyaga oo ka niyad jabay,waxaana xusid mudan in ilaa hadda aanay guddiga Komishanka Qaranka Somaliland aanay caqabadaasi hortaagan bulshada xal u helin maadaama muddo kooban loo cayimay in la qaybiyo kaadhadhkaasi.
Sidoo kalena xogaha Wargane ay helayno ayaa waxay tibaaxaayaan in deegaano badan oo ka tirsan gobolka Awdal aanay dadka badidoodii qaaddan kaadhadhkii codbixinta kadib markii lagu wargeliyey inaanay oolin lana soo gaadhsiin,waxaana deegaanadan kaadhadhka ka qaatay dad cayiman oo faro ku tiris ah iyaga oo bulshada intii kalena loo sheegay inaan loo hayn kaadh walina aan lasoo gaadhsiin,waxaana deegaanadaasi kamid ah Dilla,Jarar-Oodato,Dhuxun iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Awdal,halka ay Saaxil-na ay arrinkan ka taagan tahay magaalada Sheekh iyo Berbera gudaheeda.
Arrinkan ayaa ah caqabad lasoo gudboonaatay bulshada iyagu diyaarka u ah inay qaataan kaadhadhka codbixiyayaasha iyaga taas badalkeedana kala kulmay arrin fujaciso ku noqotay oo ah inay waayaan kaadhadhkooda codaynta.
Gabagabadiina guddiga Komishanka qaranka Somaliland Ayaan iyagu ilaa hadda arrinkan waxba ka qaban iyaga oo cabashooyinkana ay soo gaadheen balse u muuqda kuwo indhaha ka qarsanaya dhagahana ka fureysanaya arirnkan oo caqabad wayn ku noqon kara qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland,sidoo kalena waxaan ilaa hadda la garanayn halka la geeyey kaadhadhkan codbixinta ee loo waayey dadkii lahaa.