iyadoo ay wali socoto qaadashada Kaadhadhka Codbixinta Doorashooyinka Madaxtooyadda ayaa hadda waxa la soo sheegayaa in Qaar ka mid ah Gobolada laga bixinayo kaadhadhkaasi lagu sii kala iibsanayo Lacag culus oo dollar ah,arintaasi oo la sheegay inay ku lug leeyihiin Qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasada oo durba Soo qadimay qorshahooda ay ku waajahan Tartanka Doorashadda Madaxtooyadda oo la qorsheeyay inay Dalka ka qabsoonto Dhamaadka Sanadkan 2017-ka ee aanu ku jirno.
Wararka naga soo gaadhaya Gobolada Awdal,Saaxil iyo Deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag ee ay ka socoto Qaadashada Kaadhadhka Codaynta Doorashada Madaxtooyadda ayaa laga soo sheegayaa in Halkaasi ay ka bilaabeen Xubno Tirsan Xisbiyada Siyaasadu dhaq dhaqaaqyo ay dadka kaadhadhka qaatay kula baayactayaan inay Mustaqbalka xisbigooda u codeeyaan iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegayo in qiimaha hordhaca ah ee Xisbiyada qaar soo qadimeen ee ay ku baayactamayaan Lacag kor u dhaafaysa illaa Saddex Boqol oo dollarka maraykan ah,arintaasi oo hunguri galisay dad badan oo ku dhaqan deegamadaasi. Goboladan qaadashada Gaadhadhku ka socoto ayaa laga soo sheegayaa in taageerayaasha qaar Xisbiyadu ka urursanayaan Kaadhadhka iyagoo woxogaa Kharash ahna si hor dhac ah u sii siinaya si ay uga illaaliyaan in Mustaqbalka lagala hoos baxo.
Caasimada Gobolka Saaxil ee Berbera oo ka mid ah Goobaha ay ka socoto Qaadashada Kaadhadhka codayntu ayaa laga soo sheegayaa inay si weyn ugu hirdamayaan Xisbiyada Siyaasadu, islamarkaana goobaha qaar laga soo sheegayo in Dadka gaadhadhka qaadanaya ladaba galayo oo lala baayactamayo dabadeedna laga xeraynayo kaadhka oo inta damaanad loo qoro lagala wareegayo,Waxaanay arintaasi si weyn hadal haynteedu uga taagan tahay Gobolka Saaxil gaar ahaan Magaalada Berbera oo kaadh qaadashadu ka socoto,waxa kale oo la soo sheegayaa inay Xisbiyada Siyaasadu,gaar ahaan Xisbiyada Mucaaridku ay Berbera ka bilaabeen Nidaam ku Cusub Saaxadda Siyaasada Doorashada Somaliland,waxaanay samaysteen dilaaliin horgaleyaal ah oo u dhexaynaya Dadka shacabka ah iyo Siyaasiga dabeedna ukala dilaalaya oo isfahamsiinaya iyagoo inta badan garasho iyo Hayb qabiil dadka ku raadcaynaya.
Sikastaba ha noqotee waxa la saadaalinayaa inay Doorashadani ka duwanaan doonto kuwii hore,islamarkaana ay Siyaasiyiintu la shir iman-doonaan Qorsheyaal Cusub oo ay isku garbinayaan