Halista Uu Ammaanka Dalka Ku Keeni karo Dhawaaqa Dhiillada leh Ee ay WADDANI ku shaaciyeen inay dalka Xaalad Dagaal gelin doonaan
Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa markii ugu horraysay ku dhawaaqay inay dalka dagaal ka ridi doonaan, waxana ay xukuumadda u direen farriin sheegaysa inay dhawaan jawaab heerkeedu dagaal gaadhsiisan yahay qaadi doonaan.
Wasiirkii hore ee hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland, haatanna katirsan saraakiisha xisbiga WADDANI Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isagu arrintan ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inuu xisbigoodu xukuumadda dagaal ku wajahi doono, isla markaana uu dagaalkaasi dalka gelin doono musiibo aan laga waaqsan Karin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlay uu yidhi, “Xisbi ahaan waxanu halkan ka caddaynaynaa inaanaan marnaba luqunta laalaadin doonin, haddii ay xukuumaddu dagaal iclaamisona waxanu sheegaynaa inuu xisbiguna iclaamin doono dagaal lamid ah ka ay iclaamiyaan, taasina ay noqon doonto mid dalka u horseedda musiibo iyo dhibaato aan laga soo kaban Karin.”
Masuulkani waxa uu dhaliilay madaxweynaha qaranka, waxana uu ku tilmaamay mid migihii iyo karaamadii qaranka ku tuntay, “Madaxweynaha waxanu usoo jeedinaynaa inaanay maanta jirin meel uu milgo iyo sharaf kusii joogaa oo aanay dalka ugu hadhin, haddii garsoorkii dalku halkaas marayo oo xisbiyadii qaranku halkaas marayaan ay magac-darro iyo milgo la’aan u tahay fadhiga uu sii fadhiyaa,” ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Hadalka kasoo yeedhay xisbiga WADDANI ee ay ku sheegayaan inay dagaallami doonaan, ayaa khalkhali iyo ammaandarro ku abuuri kara dalka, waxana gebi ahaanba kasoo horjeedaa ujeeddadii loo aasaasay xisbiyada qaranka ee ahaa korinta dimuqraadiydda iyo tilmaanta dhaliilaha jira.