Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Cumar Sanweyne, ayaa sharraxaad ka bixiyey muran iyo is qabqabsi aan dhammaad lahayn oo dhawaanahan u dhexeeyey wasiirka macdanta iyo Tamarta iyo weliba mulkiilayaasha korontada u shida magaalooyinka kala duwan ee Somaliland.
Xildhibaanka oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay guddi ahaan gacanta ku hayaan ka garnaqidda murankaas labada dhinac u dhexeeya, waxana uu tilmaamay inay gorfayn iyo baadhintaan dheer samaynayaan, islamarkaana si hufan u dhegaysan doonaan labada dhinac ee is haya.
Cumar Sanweyne oo arrintan ka hadlaya, ayaa sidoo kale sheegay inay dhawaan kulamo la qaadan doonaan wasiirka macdanta oo isaga laga cabanayo, maadaama oo ay hore ula soo kulmeen guddiyada korontoleydu leeyihiin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Cabashadii shirkadaha waanu dhegaysanay, sida ay gartu tahayna waa inaad geeska kalena dhegaysataa, annaga oo arrintii baadhaynaa ayaanu hadana arkaynaa waxyaabo badan oo suuqa lagaga hadlayo, markii aanu shirkadaha dhegaysanayna wasiirkii macdanta ballan baanu u qabanay.”
Mudane Cumar Sanweyne waxa uu xildhibaannada iyo mudaneyaasha kale uga digay inay sii wataan hadal haynta muranka labada dhinac u dhexeeya, waxana uu codsaday in arrinta dhulka la dhigo ilaa inta go’aan laga soo saarayo, “Ciddii kale ee xildhibaanno ah ee khusayso waxan ka codsanayaa ma wanaagsan in arrin baadhitaan ku jirta ma wanaagsan in laga hadlaa ma wanaagsan,” ayuu yidhi xildhibaan Cumar Sanweyne.
Muran xooggan ayaa u dhexeeya shirkadaha korontada siiya magaalooyinka waaweyn ee dalka, waxana ay shirkadahani diidan yihiin kooto la weriyey inuu wasiirku doonayo inuu korontada ugu xidho cid gaar ah, waxana fashil ku dhammaaday kulamo ay labada dhinac isku waajaheen.