Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in maanta la filayo in madaxtooyada Somaliland ay ka hadasho xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-may oo sanadkan wararku sheegayaan in xukuumadda Somaliland joojisay.
Ilo ka agdhaw madaxtooyada Somaliland ayaa Warganenews u sheegay in xalay wasiiradda Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay shir ku yeesheen madaxtooyada isla markaana ay kaga wada tashanayeen Xuskan 18-May ee sanadkan.
Waxaana la filayaa in maanta ay madaxtooyada Somaliland ka hadasho natiijada kasoo baxday kulankooda iyo sababaha ay xukuumadda Somaliland sanadkan u joojisay xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-may oo sanadkiiba hal mar si wayn looga xuso Somaliland iyo waliba waxa ay ku badaleen.