Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah iskaga casilo xubinimadii guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigaas Waddani.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu weli xildhibaanku ku cadeeyay jiritaanka warkan, haddana warar uu Wargane helay ayaa xaqiijinaya in xildhibaan Rayte uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doono go’aanka uu kaga baxay xisbiga Waddani. Sidoo kale waxa la filayaa in xildhibaan Rayte cadeeyo inuu ku biiray xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya oo uu hore uga tirsanaan jiray islamarkaana ka soo baxay doorashadii golaha wakiilada ee 2005.
Xaga Kalana Waxay Helaysa Shabakadda Wargane Inu Khilaaf Soo Kale Dhex Galay Ibraahin Mahdi Buuba Oo Ah Afhayeenki Xisbiga Oo Ila Imika Aanu Ku Qancasanyn Arrimaha Siyaasada Xisbiga Ee Isjiidka Gelay
Dhanka Kalana Waxay Waxa Caadatay Inu Daa,uud Xussen Jaamac Oo Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Heeshis Hor Dhac Ah La Galay Xisbul Xaakimka Kulmiye Isaga Oo Aan Mudo Bilo Ahba Lagu Dhex Arkin Xarumihii Xisbiga Waddani
Dhnaka Kalan waxa La Sheegay inu Xoghayihii Warfaafinta Xisbiga Waddani Cabdirshiid Xasan Mataan Oo Ku Qacan Saydhay Kadariinta Xisbiga Waddani Isaga Ku Biyo Diiday Nidaamka Siyaasada Ila Hadan Cabdirshiid Warar Rasmi Ah Lagama Hawyo Inu Ku Biiri Doona Xisbiga Kulmiye Iyo Inu Ku Sii Nagan Doono