Xildhibaan Maxamuud Abukaate, ayaa caawa ka badbaaday Qarax lagula eegtay meel u dhow xaruunta degmadda Hodan ee Magaalladda Muqdishu.
Qaraxa ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay, waxaana ku dhaawacmay labo ka mid ah ilaalada Xildhibaanka, sida uu ii sheegay Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha degmadda Hodon.
Ciidanka dowladda ayaa hadda howlgallo ka sameynaya guud ahaan degmadda Hodan, gaar ahaan nawaaxiga xaruunta degmadda, halkaas oo ah goobtii Qaraxa lagula eegtay Xildhibaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen laba qof oo dhaawac qaba.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday Xildhibaan Maxamuud Abukaate
Dhinaca kale, caawa waxaa degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir, lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dilka askariga ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa weyn, oo ah meel mashquul badan.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, ka hor inta ciidanka amaanka imaan goobta.