Somalia: Qarax iyo Dilal Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Date:

Wararka ka imaanaya magaaladda muqdisho waxay sheegayaan in qarax nooca dhulka lagu aaso lala eegtay xuldhibaan ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo ilaaladiisii oo maray goob u dhow xarunta  xaafadda Taleex ee Degmada hodan ee gobolka Banaadir

Xildhibaanka qaraxa lala eegtay oo lagu magacaabo Maxamuud Abukaate ayaa ka badbaaday Qaraxa hase yeeshee waxaa dhaawacyo ka soo gaareen labo ka mid ah Ilaaladiisa,  iyadoo dad ka agdhow goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta maxaliga u sheegeen inay arkayeen labo qof oo dhaawac ah

Ciidanka  Ammaanka Caasimadda muqdisho ayaa goobta gaaray iyagoo  howlgallo ka bilaabay guud ahaan degmadda Hodan, gaar ahaan halka qaraxu ka dhacay, ilaa haddan ma jirto koox ama cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday Xildhibaanka,

Geesta kale, Magaaladda muqdisho waxaa 12 saac ee u dambeeyay ka dhacay dilal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha iyo ciidamadda dowladda, iyadoo caawa  xaafadda suuqa xoolaha ee degmadda Wadajir lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

Isla maanta, Ciidamadda dowladda federaalka oo ka howlgalayay Isgoyska Dan-wadaagta ee degmadda Wadajir ayaa toogtay nin darwal waday mid ka mid ahaa gaadiidka dadweynah ee Caasiga ama hoomey ah ee ka dhex shaqeeya magaaladda muqdisho, kaasi oo ciidamadu ay sheegeen inay ka shakiyeen.

Ugu dambayntii, Qaraxyada iyo dilalka ka dhacay muqdisho 12 saac ee la soo dhaafay waxay imaanayaan iyadoo Ra’isul Wasaaraha Soomaalia Xasan Cali Khayre uu ku dhawaaqay qorshe wax lagaga qabanayo qaraxyada iyo amni-darada ka jira Caasimadda muqdisho ka hor bisha ramadaan oo ku beegan dhammaadka bisha may ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...