Ujeedad Hadlkan aya Bahda Shabakadda Wargane Maray Dhuxan Hadaladii Kasoo Yedhay Cabdillahi Jawaan Oo Iska Casilay La Taliyahii Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inanu Dalka Ka Talin Madaxweyne Siilaanyo Ee Cid Aan Lo Igman Ka Taliso
ayaa waxa Kusoo Biirey Hadalikii shalay U Sheefay Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka Talada Dalka Haye Md Muuse Biixi Cabdi Oo Sheegay Inu Xirsi Ugu Awood Badane Xukuumadda Siilaanyo
Sido Kalana Waxa Maanta Ka Hadley Hoggamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani H Xirsi Cali Oo Isna La Mawqif Noqday Waxanu Yidhis Sida Tan
Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qudbad uu ka jeediyey xaflada Furitaanka Kaadh Bixinta Cod Bixiyayasha oo borama ka socota waxa uu kaga hadlay arimo badan isaga oo inta badan awooda saaray sidii uu ugu jawaabi Lahaa Murashax Muuse Biixi oo madasha fadhiyey.
Ugu horrayn Xirsi Cali waxa uu ganafka ku dhuftay guddida Musdanbeedka ee Komishanka kabaysa waxaana uu sheegay in aanay raali ka ahayn Gudidaasi ka xisbi ahaan waxaana uu yidhi “Musdanbeedka la sheegayo waxaan leenahay sharci maaha inta sharciga ah ayaa inagu filan Komishankana shaqadooda ha loo daayo markaa Musdanbedkan soo baxay uma baahnin”
Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo ka jawaabaya Hadal Murashax Muuse Biixi shalay ka soo yeedhay oo salka ku hayey in Xirsi ahaa ninkii ugu awooda badnaa xukuumadda maantana uu banaanka ka qaylinayo ayaa waxa uu kaga jawaabay “Muusaa waxa uu xusay wasiirkii ugu Awooda badnaa ayaa iminka dhawaaqayoo dee Awooda ilaahay baa bixiya waanan dafiraa Awooda laygu sheego oo maan lahayn manaan filayn aniga iyo Muuse isku Maderasad baanu ahaynee intayadii isku Mederasada ahayn inay yidhaahdaan Madaxweynaha Powerkiisii ayey cid kale ku shaqaysanaysaa dadka kale ayaa nagu odan jiray”
Xirsi Cali isaga oo caddaynaya in kolba nin ku shaqaysto awooda Madaxweynaha waxa uu Muuse u soo jeediyey mar hadii uu isagu meesha ka tagay in uu ku shaqaysto awoodii Madaxweynaha ee uu ka tagay waxaana uu yidhi. ” Waar Muusow anigu Madaxweynihii ka tagayee Powerkii ku shaqayso Madaxweynahana yaan karaamada laga qaadin oo la odhanin awoodiisii ayey cid kale ku shaqaysanaysaa waxaan leeyahay waabu ku dhisayaa isagu dee Alle hakuu barakeeyee anigu ka tagay agtiisii laakiin awooda Madaxweynaha ayaa xukuma isagaan la shaqaynayey”
Xirsi Ugu danbayn waxa uu la nasiib dhigtay Muuse Biixi oo ay wasiiro ka soo noqdeen Xukuumadihii CIgaal iyo Siilaanyo isla markaana ay la soo shaqeeyeen Madaxweynayaal ay isku beel yihiin Nasiibka uu Xirsi Madasha kaga faanay ayaa isaga oo sharaxaya waxa uu yidhi. “waanse kaa nasiib danahoo dee labadeena isku mederasadda ah dee kala wakhti ayeynu soo gaadhnay waxaad adigu soo gaadhay Madaxweynihii labaad ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sidaa ay anaga odayga nisu kaaya xejinayaan ayaad idinkuna cigaal beel ka soo wada jeedeen nasiibka ayaa nasiiyey in labadaa madaxweyne ee qaali ah la kala shaqayno raga waxba manaan dheerayn ee nasiibka ayaa na siiyey balse hadana anigu nasiibku waxa uu isiiyey inaan shansano iyo badh Madaxweynaha kala shaqeeyo Horumar oo ishaa macalin ah dee Muusow adiguna iimaanso hadii uu Nasiibku kuu siiyey waliba carabka waan ka dhawrayaa oo odhan mayo dagaalkii sokeeye adigaa ridayee waxaan leeyahay hadii nasiibku kuu siiyey wakhti dagaalkii sokeeye dhacayey oo aad labadii sano ku dhamaysatay nasiibkaaga iimaanso” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo iminka Qudbad ka jeediyey xaflada Furitaanka Kaadh bixinta Gobolka Awdal oo Hotelka Rays Ka socota.