Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal Vs Leicester City Iyo Arsene Wenger Oo Isbadal Ku Sameeyay Shaxdiisii

Tababare Arsene Wenger ayaa kulankii saddexaad oo xidhiidh ah ku soo shirtagay shaxda 3-4-3 oo ah saddex difaac ah afar dhex ah iyo saddex weerar ah laakiin waxaa saddexda difaaca ah kulankan ku soo wada bilawday Gabriel, Koscielny iyo Monreal oo lagu badalay Holding kaas oo gabi ahaanba kulankan ka maqan kooxdiisa Gunners.

Waxaa afarta khadka dhexe kulankan ku wada jira Coquelin, Xhaka, Gibbs iyo Bellerin waxaana kaydka ku jira Oxlade-Chamberlain oo kulamadii ugu danbeeyay khakda dhexe ku soo bilaabanayay waxaana sidoo kale kulankan kulankan safka weerarka hogaaminaya Theo Walcotti oo caawin ka heli doona Ozil iyo Sanchez. Aaron Ramsey iyo Giroud ayaa ka mid ah xidigaha kaydka lagu nasiyay ee kulanki FA Cupka ciyaaray.

Comments

comments