Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa dareensan iney talaabo hormar leh u qaadeen hanashada horyaalka La Liga kadib guushoodii kulanka El-Clasico, balse wuxuu digniin ku sheegay iney waddo dheer hortaalo.
Guuldaradii soo gaartay axaddii kooxda boqortoo waxey soo celisay rajada Barcelona ee horyaalka, waxaana taas ka saaciday Lionel Messi oo goolkaas guusha uu u ahaa kiisii 500-aad ee waayahiisa Balaugrana tartamada rasmiga ah.
Madrid waxey hormari doontaa sadex dhibcood oo nadiif ah hadii ay guul ka heleen Celta de Vigo, balse weeraryahanka Argentina ayaa dareensan iney fursad u heystaan difaacashada La Liga.
“Waxaan u aadnay Bernabeu inaan guuleysano si aan u suuragalino inaan sii wadno dagaalka horyaalka, wali wado dheer ayaa na hortaala, balse waxaan lasoo laabanay farxad ah inaan qaadnay talaabo muhiim ah” ayuu Lionel Messi kusoo qoray bartiisa bulshada ee Facebook isagoo adeegsanaya luqadda Spanish-ka iyo midda Ingiriiska.
Barcelona ayaa sii wadi doonta dagaalka ay ugu jirto hardanka La Liga iyadoo arbacada la ciyaari doonta Osasuna, halka Madrid ay isla maalintaas la ciyaari doonto Deportivo La Coruna.