Wasiirka wasaarada macdanta iyo Tamarta Somaliland Xussen Cabdi Ducaale ayaa waxaa u bilaabey qorshe uu laydhka u baxa caasimada Hargeysa uu kooto ugu xidhaaho hal shirkad oo gaar loo leeyahay laguna magacaabo SOM POWER .
Qorshahan uu wado wasiirka macdantu ayaa waxaa aad uga gil gushay shirkadaha kale ee Korontada u shida qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa isla markaana gaashanka ku dhuftey taalabadan uu wasiirku qaadey kuna hanjabey in aaney aqbali doonin
Shirkadahan oo kala Ah Telesom Electric , Gaafane Electric iyo National Electric Company ayaa sheegen in aaney aqbaleen in laydhka Hargeysa shirkad gaar ah kooto loogu xidho , isla markaana ganacsigu xor yahay aqbali doonina talabaadaas
Ugu horeyn meerayaha guud ee shirkada Laydhka ee Gaafane oo warbaahinta kula hadley afaafka wasaarada macdanta ayaa waxaa uu yidhi
” Aniga oo ah maareeyaha guud ee shirkada Laydhka ee Gaafane Electric Power waxaan halkan ka sheegayaa cabasho ay qaban shirkadii laydhka bixin jiray oo dhan taas oo ah wasiirka macdanta oo aanu u aragno in uu wado iska hor keen iyo qas uu ka dhex abuuraayo shirkadaha leydhka sababtoo ah anaga oo dibada taagan ayaa gudaha uu kula shirayaa shirkada SOM Power oo uu doonayo in uu laydhka Hargeysa Kooto ugu xidho arintaasna yeeli meyno ” ayuu yidhi mareeyaha guud ee shirkada laydhka ee Gaafane .
Sidoo kale mareeyaha shirkada laydhka ee Telesom Electric oo isana ka hadley ka hadley arintaasi waxaana uu sheegay in aaney u aqbali doonin in shirkad gaar ah Kooto loogu xidho laydhka Hargeysa
” Aniga oo ah mareeyaha guud ee shirkada Laydhka ee Telesom waxaanu halkan shirka jaraa’id in aanu u qabano nagu kalifay wasiirka macdanta oo soo saarey shuruudo aan ku habooneen laydhka isla markaana shirkadaha qaar u daneenaaya .
Go,aamadaas ayaa waxaa ay yahiin mid shirkada kaliya kooto loogu xidhaayo Korontada magaalada Hargeysa isla markaana suuqa lagaga saaraaayo shirkadihii kale , waxaana aanu diidanahay in laydhkii Hargeysa shirkad gaar ah kooto loogu xidho , waxaana aanu ka codsaneynaa madaxweynaha in arintaasi la soo faro galiyo inta aaney dhicin qalalaase kale ” ayuu yidhi maareeeyaha guud ee shirkada laydhka ee Telesom Electric
Dhinca kale waxaa iyaguna madasha ka hadley masuulyiinta shiradaha laydhka ee National Electric iyo Gurmad Electric waxaana ay ku goodiyeen in aaney aqbali doonin talabadaas uu qaadey wasiirka macdantu ee koota shirkad kaliya loogu xidhaayo laydhkii Hargeysa