Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ciidamo farabadan ayaa la dhigay wadooyinka kuwasoo si weyn u sugaya Amaanka magaalada Baydhabo , waxaana wadooyinka magaaladaasi gala lagu arkayay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha soomaaliya
Waxaa Madaxweynaha socdaalkiisa ku wehliyo wasiirka gargaarka iyo arimaha bini’aadanimada Marwo Maryan Qaasim waxayna kulamo la qaadan doonaan Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu la xariiro u kuur galida xaalada amaan iyo mida bini’aadanimo ee ka jirto Koonfur Galbeed.
Gabagabadii, Socdaalka madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii u horreeyay ee ku tago meel ka baxsan Caasimadda Muqdisho tan iyo markii la doortay 8 bishii February 2017, isagoo hore ugu ambabaxay safaro dibadda ah mudadaasi.