Chelsea ayaa ka badbaaday halistii Tottenham waxayna kooxda Antonio Conte awooday in ay u soo baxdo finalka tartanka Emirates FA Cupka kadib markii ay 4:2 ku muquunisay kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Tottenham oo laba jeer ciyaarta dib ugu soo laabtay. Chelsea ayaa afar gool ku dhaliyay kaliya shan bartilmaameed oo ay goolka Tottenham ku heshay.
Waxaa Chelsea guushan ku hogaamiyay Willian oo laba gool dhaliyay qaybtii hore ee kulankan halka Eden Hazard uu dhaliyay goolka ay markii saddexaad Chelsea hogaanka kula wareegtay laakiin gool cajiib ah oo uu Nemanja Matic dhaliyay ayaa Spurs qalbi jabiyay waxayna Tottenham noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee todoba jeer oo xidhiidh ah ku hadhay afar dhamaadka FA Cupka intii uu kooban qadiimiga ahi soo jiray.
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee kulankan iyada oo bandhiga ugu fiican lagu heli karo 10 darajo. Waxaanu si gaar ah u eegi doonaa xidgii garoonka ugu fiicnaa iyo xidgaha aan bandhiga fiican kulankan ka samayn.
XIDIGII GAROONKA UGU FIICNAA: Wilian ayaa ahaa xidigii garoonka ugu fiicnaa isaga oo Blues ka caawiyay in ay xili horeba culayska saarto Tottenham. Willian ayaa gool qurux badan oo laga xorta ah ka dhaliyay Tottenham ka hor intii aanu goolka labaad ku dhalin rekoodhe qaladkiisa Moses lagu galay. Willian ayaa markasta oo uu Conte u baahdo soo bandhigay qaab ciyaareed uu ugu qalmo in uu shaxdiisa si joogto ah ugu soo bilawdo.
QIIMAYNTA CIYAARTOYDA CHELSEA:
Guud ahaan qiiimaynta ciyaartoyda Chelsea ayaa ah mid aad u fiican mana jiro hal ciyaartoy oo ay qiimayntiisu ka hoosayso 6 darajo waxayna inta ugu badan haystaan qiimayn 7 darajo ah. Sidoo kale Conte ayaa tatikadiisa ku helay qiimayn 7.5 darajo ah.
Chelsea (3-4-3): Courtois (6); Azpilicueta (6), David Luiz (7), Ake (7); Moses (7), Kante (7), Matic (7), Alonso (7); Willian (8), Batshuayi (6), Pedro (6)
Badalkii Chelsea: Fabregas (6), Hazard (8), Costa (7)
Badal Aan La Isticmaalin:Begovic, Zouma, Terry, Chalobah
Tababaraha: Antonio Conte 7.5
Garsooraha: Martin Atkinson 7
Dadkii dawaanayay kulanka: 86,355 kun qof
QIIMAYNTA CIYAARTOYDA TOTTENHAM:
Dhinaca kale ciyaartoyda tottenham ayaa helay qiimayn la mid ah tan ciyaartoyda Chelsea mana jiro hal ciyaartoy oo Spurs ah oo isna ka hooseeya 6 darjo waxayna u badan yihiin 7 darajo taas oo la micno ah in labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo aanay xidigo ku fashilmin. Sidoo kale tatikada Pochettino ayaa heshay qiimayn 7 darajo ah.
Tottenham (3-4-3): Lloris (6); Dier (7), Alderweireld (6), Vertonghen (7); Trippier (7), Wanyama (7), Dembele (7), Son (6); Eriksen (7), Kane (7), Alli (8)
Badalkii Spurs: Walker (6), N’Koudou (6)
Badal Aan La Isticmaalin: Janssen, Sissoko, Wimmer, Lopez, Davies
Tababaraha: Mauricio Pochettino 7