Courtois & Alonso Oo Soo Laabanaya, Kane Oo Diyaar Ah & Shaxaha Macquulka Ah Ee Spurs Iyo Blues Isku Wajahi Karaan Caawa,.

Qof walba wuxuu isha ku hayaa maanta kulanka weyn ee caawa fiidnimada waqtiga geeska Afrika dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur kuwaas oo ka wada dhisan London.

Labada kooxood waxey caawa isku arkayaan semi finalka koobka qadiimiga ah ee FA Cup-ka iyagoo ku wada ciyaari doona garoonka xulka qaranka England uu leeyahay ee Wembley kaas oo marxaladaan oo kale la adeegsado.

Chelsea waxey dib usoo dhaweyn doontaa Thibaut Courtois iyo Marcos Alonso kuwaas oo dhaawacyo ku seegay kulankii ay guuldarada kala kulmeen Manchester United, Antonio Conte ayaana adeegsan kara shaxda ugu macquulsan ee kooxdiisa inkastoo uu weynayo Gary Cahill.

Macalinka reer talyaani caawa wuxuu fursad u heystaa inuu doorto shaxdisii oo kaliya uu ka maqan yahay Cahill balse wuxuu ugu yaraan dooran doonaa sida la hadal hay Nathan Ake oo ah wiil da’yar oo ay kasoo ceshteen Bournemouth.

Dhanka kale Mauricio Pochettino wuxuu wali la xanuunsanayaa maqnaashaha Danny Rose inkastoo kooxda aysan si weyn u tabin, madama guulaha kooxda aysan istaagin, balse ay tahay meel ay dhib badan ka dareemaan.

Sida la rajeynayo Pochettino ayaa caawa la adeegsan doona Conte shaxd 3-4-3, isagoo qeybta dambe ee daafaca ka qeyb gali doona Eric Dier oo ah xidig door walba matali kara.

Walker ayaa taam buuxa ah iyadoo Rose booskiisa uu buuxin doona Ben Davies, halka weerarka sadex aflaha ah ee Spurs ay caawa noqon doonaan Kane, Alli iyo Eriksen iyadoo aysan jirin fursad uu ugu soo bilaabi karo Son marka la eego sida shaxda tahay.

Shabakadda caalamiga ah ee Goal ayaa labada shax diyaarisay waana sheekooyin qiyaas ah, mana ahan safka rasmiga ah ee kulanka kaas oo la helo saacad ka hor kulanka.

Comments

comments