Somaliland: Magacyada Iyo Tirada Caruur Ay Bambo Gacmeed Kula Qaraxday Banka Degmada Wajaale+Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac

Date:

Wararka naga soo gaadhaya magaalo ganacsiyeedka Wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Wargane ayaa waxay sheegayaan in caruur yar yar ay Bambo gacmeed kula qaraxday Banka Wajaale gaar ahaana goobta loo yaqaano Mashruuca.

Waxaana caruurtan yar yar ay tiradoodu ahayd Shan caruura kuwaas oo Saddex kamid ah ay walaalo yihiin halka Laba kamid ahna ay yihiin Walaalo,waxaana ay ku noolaayeen gurri uu leeyahay Awoowgood oo lagu magacaabo Cabdi Jicsin isla markaana ka tirsan ciidanka Asluubta ee degmada Wajaale.

Waxaana guriga ay caruurtan ku noolayd yaalay sida naloo xaqiijiyey Bambo Gacmeed uu lahaa odaygu,caruurtan ayaa soo qaaday Bambadii iyaga oo gar-garaacay,intaasi kadib Bambadii ayaa la qaraxday Shantii caruur ahayd ee ku noolaa guriga awoowgood.

Bamboo gacmeedkan la qaraxday caruurta ayaa waxay sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba iskugu jira,waxaana ay sababtay dhimashada Hal qof oo wiil ah iyo dhaawaca Afar kale oo laba kamid ah ay culus yihiin kuwaas oo loo soo qaaday Cusbitaalka guud ee magaalada hargeysa.

Agaasimaha cusbitaalka Wajaale Cumer Cabdi Guuleed oo shabakada wararka Ramaasnews khadka telefoonka kula xidhiidhay si ay wax uga waydiiso Bambo Gacmeedkan la qaraxday Shanta Caruura, sababaha dhaliyey,khasaaraha ay sababtay ayaa waxa uu faah-faahiin ka bixiyey isaga oo sheegay in ay jiraan khasaare ay sababtay Bambadu oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawacba waxaana uu yidhi sida tan

“Way jiraan,halkan Boolisku dagan yahay ee Mashruuca ee banka Wajaale la yidhaa ayey ahayd,markaa oday baa jira kamid ahaan jirey Asluubta odayaashii SNM-na ahaan jirey,odayguna cusbitaalkan aan joogo ayuu ku jiraa,Caruur uu awoow u yahaybaa jirta markaa maadaama odayga Cusbitaalka lagu hayo kuwii yaryaraabaa Bambo Gacmeed uu odaygu lahaan jirey kasoo qaatay guriga,markaasbay gargaraacen waanay la qaraxday”

Agaasime Cumar isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sii raaciyey “Caruurta ay Bambadu la qaraxday waa Shan Caruur ah,Booliska oo caruurta anaga noo keenay mid ahaan oo googo’ay ayay halkii kaga yimaadeen oo 10 jir ah,Afartii kale oo dhaawac ahbay soo qaadeen,Laba kamid ah ayaa dhaawac culus ah waliba Inan (Gabadh Yar) ayaa dhaawac culus ah oo ay ka gashay Margiga oo Alle wuu uga ilaaliyey Hunguriga iyo Waliba Hungur Cadka cuntada,ta kalena halkaa Sarcanta ee Xubinta Taranka agteeda ayuu faliidh ka galay oo wuu fogaaday markaa qaliin ayey u baahan yihiin labaduba,waxaanan usoo gudbinay cusbitaalka Hargeysa labadaasi Hablood ee dhaawaca culus qaba,labadii kalena xaaladooda caafimaad waa la tacaalaynaaa waana wadnaa wali dabiibkooda oo cusbitaalka Wajaale ayay yaalaana waana dhaawac fudud”sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Cusbitaalka Wajaale oo Ramaasnews khadka telefoonka kula xidhiidhay.

Shan qof oo caruurta ah ee ay Bambo gacmeedku kula qaraxday Banka Wajaale ayaa waxay kala ahaayeen Saddex Wiil iyo Laba gabdhood,waxaana shantaa Qof geeriyooday Hal wiil halka Afarta kalena ay dhaawac yihiin,waxaana ay magacyadoodu kala yihiin sida tan.

  • Xasan Cabdi Jicsid waxa uu qabaa dhaawac fudud
  • Xuseen Cabdi Jicsid Waxa uu qabaa dhaawac Fudud
  • Safa Maxamed Xaashi Waxay qabtaa dhaawac Culus
  • Ayaan Maxamed Xaashi Waxay qabtaa dhaawac culus
  • Shucayb Maxamed xaashi  Wuu dhintay isaga oo googo’ay.

Gabagabadiina Bambo gacmeedada iyo waxyaalaha Qarxa ayaa iyagu kamid ah waxyaalah khatarta badan kuwaas oo badanaa caruurta yar yar-na marka ay meelaha ku arkaan ay gargaraacaan iyaga oo u baahan wacyi galino fara badan oo ku saabsan waxyaalah Qarxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...