Somaliland: Xisbiyada WADDANI Iyo UCID Oo Walaac Xooggan Ka Muujiyay In Markale Dhaqaale Daro Awgeed Doorashadu Dib Uga Dhacdo Wakhtigeeda Eedana U Jeediyay Xukuumadda

Date:

“Maanta Waxaanu Ogaanay Inaanay Xukuumaddu Wali Bixin Kharashkii Ay U Balan Qaaday Komishanka”WADANI
“Doorashadii Mudaynteeda Buuqa Badani Ka Dhashay Ayaa Haddana Warwar Kale Oo Dhaqaale Jiraa”….UCID

Labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI Iyo UCID ayaa walaac isku mid ah ka bixiyay inay Doorashada Tartanka Madaxwenaha iyo Madaxweyne ku Xukeenku Mar saddexaad dib uga dhacdo wakhtiga loo qoondeeyeeyay ee Sanadkan dhamaadkiisa,waxaanay shaaca ka qaadeen inaanay Wali Xukuumadda Iyo Xisbiga Kulmiye bixin lacagtii ay balan qaadeen inay Kharashka Doorashada ka gaysanayaan,waxaana ay sheegeen inaanay Xiitaa Gudida Doorashooyinku haynin Kharash ay ku sii wadaan Gaadh Qaadashada oo ka bilaabantay Gobolka Awdal,Waxa kale oo ay Sheegeen inay Beesha Caalamku gacmaha ka laabatay oo ay joojisay Lacagtii badnayd ee ay Doorashada inaga kaalmayn jireen.
Ugu horayn Xoghayah Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi “Uurcade” oo Shalay Warbaahinta arintaasi uga waramay ayaa waxa uu yidhi“Waxay ahayd in maanta kharashkii Dinwaangalinta,ama kaadh bixinta,iyo Kii Doorashadaba in Komishanka Doorashadu maanta Gacanta ku hayo,Sida Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadduba marar badan ku celiyeen ee ay balan qaaddeen waxay ahayd inay bixiyaan,Maanta waxaanu ogaanay illaa imika inaanay jirin Wax laba bilood ka badan oo ay hubaan oo Komishanku Kharashkii ay hayaan intii kalena laga sugayo Xukuumadda Iyo Kulmiye oo laga rabo inay u Dhiibaan,Hawshii kale Komishanku wuu diyaar gareeyay,Wax ka dhimani majiro, Kharashkaa Xukuumadda Iyo Kulmiye oo is huwani ay balan qaadeen ayuunbaa ka dhiman,Kharashkaasi la’aantina Doorasho dalkani kama dhacayso,Waxaanu ku guubaabinaynaa Xukuumadda,Kulmiyena aanu kala hadalnay in arintaasi aanay dib u dhigin ee ay si dhakhsiyo ah u bixiyaan”.
Ku xigeen Xoghaya Guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax isna waxa uu yidhi“Doorashadaasi inoo mudaysan hadda ee Buuqa badana ka dhashay Wakhtigii la mudaynayay,ayaa haddana War war kale oo Dhaqaale uu jiraa,Masuuliyada Arintaasi waxa qaaday Dawlada Iyo Xisbigeeda Kulmiye,Qolooyinkii inaga caawin jiray Doorashadana,ee “International Community-gu”ee inaga caawin jiray Dhaqaalaha 70%, Ama Boqolkiiba 80%-Na, Way mooraal jabeen,oo wax dhaqaale ah kuma bixinayaan,Maadaama oo Muddo kordhiskeenii uu batay oo Dooraashooyinkeenii mardanbe dib udhaceen,imika Wax dhaqaale ah oo ay ku bixinayaan Majirto,Xukuumaddana illaa 2015-kii Waxaanay ka maqlanay Markasta,oo diyaar ayaanu u nahay Wixii dhaqaale ku baxaya”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...