Somaliland: Saylici Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Weftigi Ka Socday Dawlada Maraykanka

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti xaqiiqo raadis ah oo ka socday dalka Maraykanka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafiiskiisa kula kulmay wefti ballaadhan oo ka socday dalka Maraykanka oo ay ujeedka safarkoodu ahayd xaqiiqo raadis dhinaca arrimaha Somaliland oo abaartu ugu horayso.

Madaxweyne ku xigeenka oo soo dhawaynta ka dib warbixin dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo ta abaaraha ayaa u sheegay weftiga inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo horumar balaadhan ka sameeyey arrimaha bulshada, waxaanu ku dheeraaday madaxweyne ku xigeenku xaalada abaareed ee wakhtigan ka taagan dalka iyo in xoolihii laga soo gudbay oo ay dadkii haraad u dhimanayaan.

Markii shirka laga soo baxay ayey Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo saxaafadda la hadashay ayaa tidhi “Sharaf wayn bay noo tahay in uu Madaxwayne ku-xigeenkeenii nasoo dhaweeyay halkana aanu ku qaabilnay wefti inooga yimi dalka maraykanka weftigani kama socdaan dawlad iyo magaalo toona balse waxa fariin soo faray aqalka odayaasha Maraykanka oo u soo diray xaqiiqo raadis abaaraha jira markaa abaartaasi ma dhabaa, Somaliland waxa la sheegayaa nabad tolow nabadaasi ma jirtaa? farriinta aynu inagu dadka u fidino waxa mar walba ka qiimo badan farriinta dadka kale inaga qaadaan waa makhraati furan waana safar saaxiibtinimo waanu soo dhawaynay wixii ALLE taa ka keenana gacanta ALLe ayay ku maqan tahay.

Abaaruhu siday yihiin ayaanu tusnay, doorashooyinka waxaanu ka qabnana waanu u sheegnay in ay dib inooga dhaceen duruufahaa ALLe keenayna ee aanay ahayn qaar inaga dhinaceena ka yimi ayaanu u sheegnay waxaanu u sheegnay inuu wadankeenu nabad yahay dadkiisuna nabad ku degan yahay dadkiisu nool yahay, dalkiisu horumar ballaadhan samaynaayo awoodahaas cida gacan naga siisay ee dibada ka timina ay iska yar yihiin waxaanu qabsanayna annagu aanu qabsanay awoodeena ku qabsanay, dadaalkeenana ku qabsanay, wadajirkeena iyo wada shaqaynteenana aynu ku qabsanay loona baahan yahay inaanu halkaas kasii wadno, markaa ummadeena waan u mahad naqayaa iyo xukuumadaba oo ogolaatay in waftigani dalka soo galaan oo ay wax inala arkaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...