Somaliland: Shaqaalaha Muqurmaalka Ah Ee Dekedda Berbera Oo Sheegay Inay Xukuumaddu Kaga Baxday Balanqaadyadii Ay La Gashay Iyo Farriimo Ay U Direen

Date:

Shaqaalaha mururq maalka ah ee dekeda Berbera ayaa cabasho xoogan ka muujiyay heshiis ay xukuumada ka sugayeen oo beenoobay iyo xaqoodii oo ay sheegeen inuu ka maqan yahay.

Guddoomiyaha xoogmaalka dekeda Berbera Ciise Cali Hangoole oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumada ay kaga baxday balanqaadyadii, isla markaasna ay afgaran la’yihiin shirkada dekeda la wareegtay ee DP World, waxaanu isagoo arimahan ka hadlaayay uu yidhi  “Shaqaalaha muruqmaalka ah ee dekeda Berbera ee ka shaqeeya maraakiibta saaristooda iyo dajintooda, kuwaas oo tirsanaayay xaq kaga maqan dawlada iyo shirkada DP World  ee meesha la wareegtay in badana aanu ka hadalnay oo dawladu ay ka wada warhayso, taas oo wada hadalkeedii ilaa hada aanay waxba ka suurto galin oo madhalays ay noqotay, waxaanu nahay shaqaalii meesha ka shaqayn jiray oo shan boqol oo nin ku dhow, waa dadka kaliyaata ee xoogoodiina la duudsiiyay, shirkadan qabsatayna ay ugu sii dartay duudsigii, dawlada waraaqo ayaanu u dhiibnay iyo hadalba, waxaanu ahayn shirkad gaar u taagnayd oo tacab kii naga galay ayaanu rabnaa meesha, waxaanu rabnaa lacagtii nalaga qaadi jiray, waxa aanan helin xaqii shaqaalaha oo aan wali nalagu odhan waxaana waad leedihiin waxaasna ma lihidin, balamadii naloo qaadayna aanay waxba ka suurto galin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...