Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddo dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,waxaana uu gudoomiyuhu ka hadlay Abaaraha dalka ka jirta ee saamaysay dad iyo duunyaba,colaadaha sokeeye ee ka taagan Koonfurta gobolka Sool,Sicir bararka dalka ka taagan,mooshinka khuseeya Saldhiga Milateri ee Berbera laga bixiyey ee wakhti xaadirkan hor yaala golaha Baarlamaanka Somaliya,iyo in golaha Guurtidu ay wadaan muddo Kordhin mar Saddexaad ah oo ay u kordhiyaan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.