Somaliland: Gobolka Sool Oo Go’aamo Laga Soo Saaray Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

Date:

Colaadan Waxaa Ku Naf Waayay 79 Qof, Waxaana Ku Dhaawacmay 150 Kale

Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamo adag ka soo saartay colaadda soo jiitantayda ee u dhaxaysa beelaha walaalaha ah.

Colaaddan oo socota bishii 11-aad ayaa waxa ku naf waayay 79 qof waxaana ku dhaawacmay 150 qof halka ay ku bur-burtay hanti tiro badan oo aan tiro koob lahayn.

Colaadda labada beelood oo markii hore ku koobnayd deegaanada miyiga ayaa markii dambe u soo gudubtay magaalada Laascaanood dhexdeeda oo lagu dilay dhawr qof oo labada dhinac ka soo kala jeeda. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hogaaminaya wafti xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka socda oo u guntday xal u helidda colaadan ayaa ku dhawaaqay go’aamo ay ka soo saareen colaadan, waxaana uu yidhi mar uu warbaahinta la hadlay:

“waxaanu soo saarnay in amniga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool aanu gacanta ku dhigno taasoo meesha ka saaraysa suurto-galnimada in hub lala soo galo, waxaa kale oo ka mid ah fadhiisimada ay fadhiyaan maleeshiyada beelahan ee tiknikada haysta ee Dharkayn geeyo iyo Saax-dheer inaanu dejino oo aanu keeno cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka, sida ay u dagan yihiin Dhumay iyo Dabataag iyo Kalabaydh oo maanta ay wada degan yihiin oo ay ka wada cabaan oo masaajidada lagu wada tukado, waxaa kale oo go’aamada ka mid ah ciidamada tiknikada wata inaanu maarayno oo aanu qaramayno laakiin kuwaanu qaramaynayna maaha dadkan reer miyiga ah ee soo gurmanaya, waxaa ka mid ah in la agaasimo guddi culus oo labada beeloodba raali ku noqdaan wixii kharash ku baxayana ay xukuumadda JSL bixiso”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...