Somaliland: Oo Joojisay Siminaar Hargeysa Ka Socday Iyo Sirdoonka Qaranka Oo Amray In Kooxda Wadatay Dalka Laga Saaro Iyo Arrimaha Lagu Haysto

Date:

Dawlada Somaliland ayaa amartay in dalka laga saaro koox dhawr qof ka kooban kuwaas oo Hargeysa ku qabtay Siminaar.

Kooxdan oo kasoo kicintintay Yurub kana kooban dhawr qof oo mid kamid ahi u dhashay Somaliland,Dhawr kalena u dhasheen Somaliya iyo gabadh Ajaanib ah ayaa Hargeysa yimid toddobaadkan waxaanay 16-kii April Hargeysa ku qabteen Siminaar ku saabsan Caafimaadka,waxaana Siminaarka furey wasiir ku xigeenka Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil.

Hase’yeeshee wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa shalay si kadis ah u joojyey siminaarkaasi oo ku qabsoomay mid kamid ah hudheelada Hargeysa,waxaana wasaaradda Qorshaynta Qaranku joojinta siminaarkaasi ku xidhiidhisay inaanay kooxdani wax ogolaansho ah usoo qaadan Siminaarkani isla markaana aanay wasaaradda ka haysan sharciyadd urur .

Sirdoonka qaranka ayaa amar ku bixiyey in kooxdaasi si deg deg ah dalka looga saaro,iyaga oo raacaya ogolaansho la’aanta wasaaradda Qorshaynta isla markaana aaaminsan in hadalo kooxdan lagu hayaa halis ku yihiin amaanka qaranka Somaliland.

Kooxdan ayaa markii ay Yurub ka soo baxayeen waxay iska soo duubeen muuqaal ay ku baahiyeen baraha ay bulshadu ku kulanto,waxaana ay sheegeen inay tagayaan dalkii hooyo ee Somaliya,iyaga oo kusoo jeeda caasimada Hargeysa ee jamhuuriyadda Somaliland mid kamid ah oo u dhashay dalka Somaliya ayaa yidhi

“Waxaanu u soconaa safar wadankii ah mashruuca hiil hooyo oo laga fulin doono wadanka oo dhan,waqooyiga somaliya oo dhan haday noqon lahayd Hargeysa,Laascaanood iyo Garoowe intaba”sidaas ayuu yidhi, waxaana uu intaasi raaciyey “Mashruucan waxa ku deeqday wasaaradda Arrimaha dibada Filand loona ogolaaday saddex NGO oo somali ah oo Filand ku nool anagu waxaanu nahay waftigii labaad ee baxaya”

Hadaladan ay iska soo duubeen ee ay Hargeysa iyo Laascaanood ku sheegeen inay tagayaan qayb kamid ah Somaliya oo ah waqooyiga Somaliya ayaa lagu xidhiidhinayaa joojinta Siminaarkooda iyo amarka mustaafurin tooda.

Hase’yeeshee waxa jira dedaalo la doonayo in lagu baajiyo joojinta siminaarkan iyo waliba mustaafurinta dadkaasi ,waxaana la sheegay in ay cabasho u gudbiyeen madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” si uu uga baajiyo culaysyada la dul dhigay .

Baryahan danbe Somaliland ayaa noqotay dal iska furan oo xuduudihiisa ay dad badani soo galaan,halka waayadii hore gaar ahaana maamulkii Daahir Riyaale Kaahin ay adkayd in dalka si fudud lagu soo galo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...