Somaliland: Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti Oo Awood Kula Wareegay Alaab Ay Leeyihiin Ganacsato Reer Somaliland + Magaca Deegaanka Ay Ciidanku Soo Galeen Oo Xuduuda Somaliland

Date:

Wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Booliska dalka Jabuuti ay xadka Somaliland gudaheeda ganacsato Reer Somaliland kala wareegeen alaab ay siteen kuwaas oo ciidanku ku qabtay ganacsatadan meel aan ka fogayn magaalada Lawyocado.

Ganacsatadan ay ciidanka dalka Jabuuti kala waregeen alaabtoodii ayaa ah ganacsato ka ganacsada Sigaarka,waxaana ay ciidanku alaabta ganacsatadan kula wareegeen deegaanka Gooryaale oo qiyaastii 15Km galbeed kaga beegan Lawyocado ee xuduudka Somaliland,waxaana ay ciidanku sidaasi kula waregeen alaabtii oo ku jirtay Kartoono.

Waxaana ciidankan oo watay laba gaadhi isla markaana dhamaa 40 askari sida naloo sheegay ayaa waxay dul yimaadeen alaabtii oo ay ilaalinayaan inamo ay kaga tageen ganacsatadu,waxaana ay qasab ciidanku ku qaateen alaabtii oo ahayd sigaarka loo yaqaano Benson iyo Hedges.

Intaasi kadib ayay inamadii ilaalinayey alaabta ayaa waxay diideen inay ciidanku qaataan alaabta intaasi kadibna ciidanka ayaa rasaas ku furey inamadaasi wallow aanay cidd waxba ku noqon,waxaana ay ciidanku alaabtii ku gurteen gawaadhidoodii  iyaga oo la galay dhankaa iyo xuduuda Jabuuti.

Mar aan waydiinay bulsho ku dhaqan deegaanka Lawyo-caddo inay alaabtan ay ahayd Alaab si qarsoodi ah loo soo dhaafiyey kaantaroolka Jabuuti ayaa waxay noo sheegeen in ay ganacsatadani haystaan sharciyadii ay kusoo cashuureen alaabta balse ilaa hadda aan la garanayn sababta ay ciidanku ugala wareegeen alaabtaasi ganacsatada.

Waxaana la sheegay in ganacsatadii alaabta la ahayd ay aaadeen dhankaa iyo dalka Jabuuti si ay xukuumadda  jabuuti ugala soo hadlaan alaabtoodan ay ciidanku sida awooda ah ula wareegeen,ilaa hadda se lama garanayo halka ay ku danbayn doonto kiiskani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...