Somaliland: Xisbiga WADDANI Oo Kulan Hawleed Laga Ga Hadlaayey Ololaha Doorashada, Hargeysa Ku Yeeshay

Date:

Kulan hawleed uu xisbiga WADDANI ku falan-qeynaayey siyaabaha kala duwan ee fariimaha iyo barnaamij siyaasaddeedka xisbigaasi loo gaadhsiin karo guud ahaan shacabka Somaliland iyo weli ba sida oo kale u diyaar garowga ololaha doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa daba-yaaqada sanadkan, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Ambassador ee Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen kooxda ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay ka caawinaysay hay’adda IRI oo ay tobabarkaasi wax ka bixinaayeen khabiiro ku xeel dheer dhinaca ololaha doorashooyinka iyo weli ba sida oo kale siyaabaha kala duwan ee xisbiyadu ay fariimahooda siyaasaddeed u gaadhsiin karaan u na kasban karaan codbixiyeyaasha Doorashada, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, abwaaniin, hal-abuuro, saxafiyiin iyo weli ba sida oo kale aqoonyahanno ku xeel dheer dhinacyada xidhiidhada bulshada oo iskugu jira dhakhaatiirkh, macalimiin iyo weli ba sida oo kale kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Waxaana kulankan oo socon doona muddo saddex cisho ah ay inta badan diiradda ku saari doonaan siyaabaha ugu habboon ee xisbiga WADDANI uu fariimahiisa siyaasaddeed u gaadhsiin lahaa bulshada Somaliland isla mar ahaantaana bulshadiisa isbedel doonka ah  uu xiliyada doorashada iyo inta ka horreysa ba uu u la la wadaagi lahaa fariimo ka fayow cunfi, qabyaalad iyo weli ba sida oo kale kala qoqobidda bulshooyinka Somaliland bari illaa galbeed ee walaalaha ah oo inta badan uu caan ku noqday Xisbiga KULMIYE.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...