150-su’aalood baan ka jawaabay, su’aal dambena kama jawaabayo……” Xuseen Cabdi Ducaale.
Wasiirka Oo Jawaab Lala Yaabay Ka Bixiyey Sababta Sahaminta Shidaalka Loogu Koobay Deegaannada Bariga Ee Uu Dhalasho Ahaan Kasoo Jeedo…
Mudaneyaasha golaha wakiillada, ayaa ugu dambayn ciil iyo cadho ay qabeen oo ka dhashay dabin ka-boodnimo iyo ballanfur badan oo uu hore ugula kacay, kadib waqti dheer u helay Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, waxana ay u miiseen su’aalo dhinacyo badan taabanayey oo filqiyey hadalladii uu wasiirku madasha ugu soo talo galay.
Wasiir Xuseen oo muddo dheer dabin ka bood ahaa, ayaa ugu dambayn shalay hor yimi golaha wakiillada, waxana halkaas ugu sii diyaar ahaa xildhibaanno u ciil cunsanaa oo mucaarid u badan, kuwaas oo ku hurfufuay su’aalo badan oo qaarkood wasiirka ku adkaadeen inuu jawaabo sax ah ka bixiyo.
Su’aalaha qaarkood oo la xidhiidhay eedo loo jeediyo hannaanka shidaal-baadhista dalka loo wado, ayuu wasiirku iska leexiyey, waxana cabashooyinka ay tirsadaan deegaannada shidaalka laga baadhayo ee la xidhiidha inaanay wasaaraddu wax xuquuq dheeri ah ugu talogelin uu iskaga riixay dhinaca khubarada wasaaraddiisa la talisa, “Khubarada xeerkan nagala talisay nagulmay talin inaan wax u jarno deegaannada shidaalka laga baadhayo, waxana ay yidhaahdeen daruuri uma aragno arrintaas wixii deegaankaas loo jaroyana dawladdu waa inay u garataa,” ayuu ku jawaabay wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.
Su’aalaha kale ee uu dhinaca dabeecadda eebbe dhulka u abuuray u nisbeeyey waxa kamid ahaa su’aal uu weydiiyey mudane kasoo jeeda gobolka Awdal oo nuxurkeedu ahaa sababta uu sahaminta uu wado ugu kali yeelay gobollada Bariga dalka ee uu uga tegay kuwa Galbeedka, waxana jawaaba su’aashaas uu kaga jawaabay wasiir Xuseen Cabdi Ducaale sidatan, “Way jirtaa in la yidhaahdo wasiirku waa wasiir Bari ka yimi had iyo jeerna hawshu Bariga uun bay ka socotaa, laakiin heshiisyada aanu galnay ama kuwa aanu ka dhaxalnay dawladdii hore maanu tilmaamin oo maanu odhanin halkan baanu wax idinka siinaynaa, waxayse yimaadaan iyaga oo macluumaadka dalka soo akhristay, waxa xukumuyaana waa sida dhulka ilaahay u sameeyey.”
Mudane kale oo katirsan wakiillada, ayaa wasiirka weydiiyey tabashooyin tiro-dhaaf ah oo ay deegaannadoodu sheeganayaan, balse jawaabo shaafiya wasiirku arrimahaas kama uu bixin, waxana ay taasi keentay inay su’aaluhu tiro beelaan oo ay mudaneyaashu si aan kala go’ lahayn wasiirka u weydiiyaan dhammaanba su’aalihii maankooda ka guuxayey.
Su’aalaha mudaneyaasha oo saacado badan qaatay kadib waxa uu wasiirku isaga oo aad u daallan kasoo baxay fadhigii wakiillada, waxana uu dibadda kula kulmay koox weriyayaal ah oo diyaar u ahayd inay iyaga laftoodu su’aalaha maankooda ku jira weydiiyaan, balse si cad ayuu wasiir Xuseen u diiday inuu wax jawaabo ah bixiyo, “150-su’aalood baan ka jawaabay, su’aal dambena kama jawaabayo” ayuu warbaahinta ku yidhi wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.