Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho Dib Ugu soo Laabtay

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha iyo Dhagax Sygahan Imaaradda Abu-dubai shiikh Maxamed Bin Zayed   ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Shiikh Maxamed bin Zayed wuxuu ballanqaaday inuu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.

Gabagabadii, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed.

 

Comments

comments