Juventus vs Barcelona: Taariikhda Labada Kooxood, Xidigaha Ugu Muhiimsan & Macluumaadka Ugu Muhiimsan Kulanka.

Date:

Juventus ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Barcelona iyadoo ka warqabta wixii ku qabsaday Berlin markii la isugu tagay finalkii Champions League 2014/15, Juve waxey dooneysaa iney aargudato sidoo kalana wali Barcelona guul kuma soo gaarin guriga Juventus tartamada yurub.

Barcelona waxey si cajiib leh kaga soo baxday Paris Saint Germain kadib markii ay sameysay soo rogaal celin ay adag tahay in laga sameeyo kubadda cagta walow murranno garsoore ay hareeyeen ciyaarta.

Waa mid ka mid ah labada kulan ee ugu adag wareega quarter finalka Champions League, qof walba oo xiiseeya kubadda cagta ayaana caawa daawan doona.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Juventus vs Barcelona

Tartanka: Champions League (Quarter Final)

Garoonka: Juventus Arena

Garsoore: Szymon Marciniak (Poland)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

YAA MAQAN, YAASE JOOGA?

Juventus waxey weyneysaa da’yarkeeda reer Croatia Marko Pjaca kaas oo inta ka dhiman xili xilli ciyaareedka ka maqnaan doona garoomada kadib dhaawac jilibka kasoo gaaray.

Giorgio Chiellini, Leonardo Bonucci iyo Dani Alves oo kursiga keydka ku jiray kulankii horyaalka ee todobaadkii lasoo dhaafay ayaa diyaar u wada ah ciyaartaan

Dhanka kale Arda Turan, Aleix Vidal iyo Rafinha ayaa seegi doona dhanka Barcelona, halka Sergio Busquets uu ganaax ku maqnaan doono.

Andres Iniesta oo kursiga kusoo bilowday kulankii Malaga ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto safka hore, halka Rakitic iyo Pique oo ka ganaaxnaa La Liga ay diyaar yahiin caawa.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona wali kuma guuleysan ciida talyaaniga iyadoo wajaheysa Juventus, afar jeer oo ay soo booqatay 2-guuldaro iyo 2-barbaro ayey kala hoyatay.

Juventus ayaa adkaatay 4-tii kulan ee ugu dambeysay Champions League, waana kooxda ugu fiican ee sidaas sameysay xili ciyaareedkaan, waxaana kaliya kooxda aan xili ciyaareedkaan laga adkaan ku wehliya Real Madrid.

Juventus gool lagama dhalin 351-daqiiqo waana kooxda ugu dheer oo sidaas sameysa xili ciyaareedkaan, Nico Pareja oo ka tirsan Sevilla ayaa ahaa xidigii ugu dambeeyay ee Juve gool ka dhaliyay kulan dhacay November.

Juventus sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaartay sideed ciyaartoy oo kala duwan ayaa gool u dhalisay.

Kaliya Barcelona oo 4-rigoore lagu abaalmariyay ayaa ka badan Juventus oo 3-rigoore lagu abaalmariyay kulamada Champions League-ga xili ciyaareedkaan.

TAARIIKHDA LABADA KOOXOOD:

Markii ugu horeysay oo ay labadaan kooxood is arkaan waxey aheyd 1985/86 waliba tartamada yurub waxeyna ku kulmeen Quarter Finalka tartanka European League.

Lugtii Hore Barcelona ayaa ku guuleysatay 1-0, halka kulankii Turin lagu kala baxay barbaro, sidaas darteed Balaugrana ayaa u gudubtay Semi finalka tartanka.

1990/91 – Waxey labada kooxood ku kulmeen Semi Finalka koobka UEFA Cup Winners Cup, lugtii hore Barcelona ayaa gurigeeda ku adkaata 3-1, halka kulanii Turin ay Juve ku badisay 1-0, sidaas darteed finalka Balaugrana ayaa u gudubtay.

Mar kale Quarter Finalka tartanka Champions League ayey isku arkeen 2002/2003, labada kooxood lugtii hore barbaro 1-1 ah ayey ku galeen Turin, halka kulankii Catalonia lagu kala baxay 2-1 oo ay guusha ku raacday Juve kulan waqti dheeri ah loo baahday, sidaasna ay Semi Finalka ku gaartay Bianconerri.

Markii ugu dambeysayna waxey isku arkeen Finalka Champions League 2014/15, markaas oo la isku qabtay Berlin. Barcelona ayaa 3-1 ku qaaday koobka.

XIDIGAHA UGU MUHIIMSAN:

Lionel Messi: Waa xiddiga ugu sareeya oo, waana kan loo daawado ciyaaraha Barcelona sida la hubo madama taageerayaasha ay ku qanacsan yahiin inuu garoonka jiro, waana xiddiga heysta shanta jeer Ballon d’Or.

Gonzalo Higuain: Juventus inkastoo ay heysato Dybala, hadana Higuain ayaa ah kan ugu weyn marka la fiiriyo maqaamkiisa taariikheed ee kubadda cagta iyo sida uu u yahay gooldhaliye heer sare ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Juventus (4-2-3-1): Buffon, Alves, Barzagli, Chiellini, Sandro, Khedira, Pjanic, Cuadrado, Dybala, Sturaro, Higuain

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen, S. Roberto, Pique, Umtiti, Alba, Mascherano, Iniesta, Rakitic, Messi, Suarez, Neymar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...