War Deg Deg Ah: Sarkaal Sare oo Ka tirsan Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Muqdisho

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday miino loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay goob u dhow Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabay C/qaadir Cismaan Faarax (Dr yare) ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxaasi, sida uu u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee SONA Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoorre.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray cutubyo ka tirsan laamaha ammaanka ee Soomaaliya, si ay u sameeyaan baaritaanno.

Ma jirto cid ama koox sheegatay inay masuul ka yihiin qaraxa lagu khaarijiyay sarkaalkaasi, hase yeeshee kooxda Al-shabaab ayaa qaraxyo noocan kale ku bartilmaameedsada saraakiisha dowlada federaal.

Dhinaca kale, Qaraxa saaka ka dhacay muqdisho ayaa noqonaya qaraxii labaad oo muddo 24 saacadood gudahood  dhaca, iyadoo qaraxii shalay ay ku dhinteen in dad gaaraya 15 qof, kaasi oo bartilmaamedkiisu ahaa  taliyaha cusub ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Gabagabadii, Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku maraya wadanka Imaraadka carabta ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in dowladdu qaaday dagaal 60 maalmood soconaya oo dalka lagaga sifaynayo Kooxda Al-shabaab.

Comments

comments