“Xukuumaddii daahir Rayaale oo ay reer Awdal Hoggaaminayeen tiradeeduna ahayd 63-wasiir waxa ay ku lahaayeen shan wasiir , laakiin waxa ay xukuumadda Siilaanyo hoggaaminayo ku leeyihiin 9-wasiir…”Cabdiraxmaan Saylici
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashax ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa si qoto dheer u faahfaahiyey arrimo door ah oo la xidhiidha xaaladda waddanka, hankiisa la xidhiidha inuu mar labaad inuu guul kasoo hooyo doorashooyinka soo socda, xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo kalsoonida uu ka haysto gobolka uu kasoo jeedo ee Awdal.
Cabdiraxmaan Saylici oo u warramay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, ayaa ugu horrayn ka hadlay kalsoonida ay reer Awdal ku qabaan xukuumadda mansabka labaad kaga jiro, waxana uu sheegay inay xukuumadda KULMIYE reer Awdal siisay saami ka badan midkii ay lahaayeen waqtigii xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Marka aynu is barbardhigno xukuumaddii daahir Rayaale oo ay reer Awdal Hoggaaminayeen tiradeeduna ahayd 63-wasiir waxa ay ku lahaayeen shan wasiir , laakiin waxa ay xukuumadda Siilaanyo hoggaaminayo ku leeyihiin 9-wasiir, markaa tabashadoodii qayb weyn baa wax laga qabtay, qaybo kale oo ay weli wax kasii tabanayaana way jirtaa.”
Mudane Saylici isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka dareen celiyey culayska kaga iman kara murrashaxa dhiggiisa ah ee xisbiga WADDANI ka sharraxan oo ay isku deegaan yihiin, waxana uu xusay inaanu wax baqdin ah ku hayin, isla markaana ay reer Awdal abaal badan u hayaan xisbiga KULMIYE ee uu murrashaxa ka yahay,“Xidhiidhka aanu reer Awdal la leenahay aad buu u wanaagsan yahay, maanta dadkaasi cid ay xisbiga KULMIYE ku doorsadaan uma muuqata, horena iyada oo gobolkaasi uu madaxweyne u tartamayey oo uu culays badani I saarnaa, maantase inaanay jirin cid cod igaga badsan karaysa gobolkaas, murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka WADDANI-na culays weyn iguma hayo, halkii madaxweynahana anigaa maanta ku jira,” ayuu yidhi Saylici.
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici waxa uu sidoo kale ka hadlay xidhiidha uu la leeyahay guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu murrashax-ku-xigeen ugu yahay doorashada madaxtooyada ee soo socota, waxana uu sheegay inuu si weyn ugu kalsoon yahay, isla markaana aanu ahayn qof ay isku cusub yihiin oo imika is baranayaan, waxana uu yidhi, “Xidhiidhka aniga iyo Muuse Biixi aad buu u wanaagsan yahay, nin aanu isku cusub nahayna ma aha, waana nin maalintii KULMIIYE la aasaasay ilaa maanta aanu soo wada shaqaynaynay oo aanu mucaarid ahaan iyo muxaafid ahaanba kusoo wada shaqaynay, waxana aanu nahay laba nin oo isku fahamsan mid waliba halka uu hawsha ka gelayo.”