Somaliland: Laba Wasaaradod Oo Khilaaf Adagi Soo Kala Dhex Galay Balse Maxay Isku Hayan?

Date:

Laba ka mid ah Wasaaraddaha Somaliland ee u igman hawlaha shaqo ee loo xil saarey ayaa waxa masuuliyiinta wasaaradahaasi la sheegay inuu ka dhex qarxay khilaaf aad u balaadhan kaasi oo salka ku haya shaqooyinka iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.

Khilaafkan ayaa u dhaxeeya Wasaaradda Beeraha iyo  Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo ay wasiiro ka kala yihiin Wasaaradda Deegaanka oo ay wasiir ka tahay Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Wasaaradda Beeraha oo uu Wasiirka ka yahay Mudane Maxamed Aw Daahir Ibraahim.

Khilaafkan ayaa  ka bilaabmey sida ay sheegeen ilo wareedyo u dhuun daloolaa kharashka mashruuc aad balaadhan oo ay ku baxayso 8 Milyan oo Doolar isla markaana uu bixinayo dalka Jarmalku laguna magacaabo masharuucan (GIZ) kaasi oo loogu talo galay Wasaaradda beeraha balse ay Wasiirka Deegaanka Somaliland ku doodayso in uu Wasaaraddeeda mashruucu khuseeyo.

Labadan wasaaraddood ee khilaafku ka dhex qarxay ayaa waxa la sheegay in wasaaradda Deegaanka la siiyey qadar lacaga oo dhan 2 Milyan balse ay masuuliyiinta wasaaraddu ku doodayaan in mashruucani uu wasaaradooda khuseeyo isla markaana ay shaqadooda tahay.

Khilaafka labadan Wasaaraddood ayaa dacwadoodu gaadhey sida la sheegay Madaxtooyada Somaliland oo hore uga garnaqdey balse wali xal looma helin, waxaanu khilaafku sii xoogaystey ka dib markii Wasiirka Beeraha Somaliland uu Boodhka Wasaaraddiisa oo ah Wasaaradda Beeraha Somaliland uu ku soo qortey WASAARADDA BEERAHA IYO KHAYRAADKA DABIICIGA AH EE SOMALILAND,taasi oo si wayn uga cadhaysiisey masuuliyiinta Deegaanka.

Muranka ka dhex aloosan labadan masuul ee ilaa iyo hadda aan wax maaro ah loo hayn ayaa labada dhinac midkoodna aanu ka hadal arintani,lana garanayn talaabada ay Madaxtooyada Somaliland ku kala furdaamin doonto Labada Wasaaraddood ee Hondaha iskula jira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...