Somaliland: Khasaaraha Dagaal Beelo Walaalo ah Ku Dhexmaray Koonfurta Gobolka Sool

Date:

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaannada Xidhxidh iyo Dharkeyn-geenyo ee Koonfurta gobolka Sool, ayaa sheegay in dagaal qadhaadhi halkaas ku dhexmaray laba beelood oo walaalo ah, kaas oo sababay khasaare ballaadhan oo aan ilaa iyo hadda xaqiiqdiisa la haynin.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan inuu dagaalku ka bilaabmay is rasaasayn kooban oo dhexmartay laba kooxood oo labada beelood kasoo jeeda, balse markii dambe si weyn la isugu soo gurmaday, taasina ay ballaadhisay khasaaraha.

Xogaha aanu hayno, ayaa sheegaya inay dhimashadu ku dhaw dahay 10-qof oo labada dhinac ah, halka uu dhaawucuna intaas ka badan yahay, waxana kooban warka halkaas laga helo, maadaama meeshu tahay magaalooyinka ka durugsan, isla markaana ay kooxihii dagaallamay weli is hor fadhiyiaan.

Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa lagu soo warramayaa inay dhaqdhaqaaq sameeyeen, balse lama xaqiijin inay si rasmi ah u kala dhex galeen beelaha dagaallamay, waxase lagu wadaa inay ilaa maanta ku guulaystaan inay dhex fadhistaan amaba la wareegaan goobaha isku dhacu ka socdo.

Beelaha haatan isku dhacay oo halkaas wada dega ayaa marar badan sidan oo kale isugu dhacay, waxana ay is gaadhsiiyeen khasaareyaal  baaxaddoodu kala duwanayd, iyada oo ay xukuumaddu kala dhex gashay, balse waxa aan weli xal waara loo helin hakinta aanooyinka labadaas beelood iyo ugaadhsiga ay isku hayaan oo mar walba sabab u noqdo inay dagaal sidan oo kale ah isku wajahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...