Somaliland: Askar Lagu Eedeeyay Inay Ku Xad-gudbeen Goobo Calanka WADDANI Sudhnaa + Badhasaabka Gobolka Oo Beeniyey

Date:

Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada WADDANI ee Gobolka Gabiley Maxamed Nuur Mooge (Shabeel), ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gabiley ku eedeeyay inay weerarreen Xafiis uu Xisbiga WADDANI ku leeyahay Magaaladaasi isla-markaana ay burburiyeen Qoryihii ay sudhnaayeen Calamada Xisbigaasi oo ay Dhulka soo dhigeen.

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada WADDANI ee Gobolka Gabiley Mr. Shabeel oo Saxaafadda kula hadlay Goob bannaan ah oo ay Daadsanaayeen Calamada Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah oo qaarkood Saraakiil yihiin inay burburiyeen Qoryihii ay sudhnaayeen Calamada WADDANI, isagoo ku dooday inay ahaayeen Rag ujeeddo leh.

Shabeel oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saraakiil ka mid ah Booliiska Gobolka Gabiley ayaa inta ay Saaka Aroortii hore (Shalay) yimaaddeen Xaruntan waxay ka jajabiyeen (Qoryihii) ay Sudhnaayeen Calamada Xisbiga WADDANI, Calankayagii waalla riday kii KULMIYE oo Toban tallaabo noo jiraana wuu taagan yahay.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay oo kale “Nimankaa Xafiiska WADDANI ku soo duulay ee Calamada riday waxay rabaan dhibaato iyo Fad-qalale..”ayuu yidhi.

Nin Madaxa ka duubnaa Calanka Xisbiga WADDANI oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Askartu ay ka gooyeen Calanka WADDANI oo uu sheegay inuu tukaankiisa ku hor-dhejistay.

Ninkani oo aan Magaciisa sheegin, laakiin ka mid ahaa Raggii ku sugnaa Goobta uu Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada WADDANI Saxaafadda kula hadlay, ayaa tilmaamay in Askarta Calanka WADDANI ka gooyey Tukaankiisa Hortiisu ay u sheegeen inay khalad tahay in Goobaha ku dhow Guriga Martida Gabiley lagu arko Calanka Xisbiga WADDANI.

Laakiin, Badhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi oo Wargeyska Himilo Xalay Khadka Telefoonka kula xidhiidhay isla-markaana waydiiyey waxay kala socdaan Cabashada Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI ee Gobolka Gabiley iyo waxa ka jira in Askar ka tirsan Booliisku dhulka soo dhigeen Calamada Xisbiga WADDANI, ayaa ku jawaabay “Inaadeer Anigu warkaa ma ogi, meel aanu ku nidhi Calamada WADDANI soo gurana ma jirto, oo maanaan Amrin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Innamada Arrintan ka hadlay midkood wuxuu leeyahay Tukaankaygii baa Calan WADDANI leeyahay laga jaray, tukaan xafiis Xisbiya weli miyeynu aragnay?, markaa waxaasi maaha Amar annaga naga soo fuley, ee waxaan u maleynayaa inay yihiin dad kale oo ujeeddo ay leeyihiin ka dhex wada”

Badhasaabka oo mar kale la waydiiyey su’aasha ah inuu wax kala socdo Arrintan uu Xisbiga WADDANI ka cawday, ayaa ku jawaabay “Anigu sow ma ihi Masuulkii Gobolka ugu sareeyay, ma jirto meel Calanka WADDANI lagu goo’gooyey Aniga oo aan Adiga iyo ILAAHAY midna been u sheegin. Ma jirto Cid Booliiska ka tirsan ama Maamulka Gobolka ka tirsan oo Goo’goysay (Calammada WADDANI).”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...