Somaliland: Maxa Kala Qabsaday Muuse Biixi Iyo Aqoonyahanka Jaamacada? Yaab

Date:

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad loo sameeyey arday ka qallinjabisay Jaamacadda Hargeysa oo shahaadada labaad (Master Degree) ka qaatay culuunta Dawlad-wanaagga iyo Hoggaaminta.

Intii munaasibaddaas lagu jirey waxa ay  aqoonyahanka Jaamacadda Hargeysa halkaasi su’aalo ku waydiiyeen Guddoomiye Muuse Biixi  Cabdi, kaas oo jawaabo waafi ah, isla markaana ay ku qanceen aqoon yahankaasi kaga fal celiyey dhammaanba su’aalihii la weydiiyey oo intooda badani la xidhiidhay xisbiga KULMIYE, qorshihiisa hoggaamineed, shuruucda dalka iyo waxyaabaha mudan ee uu doonayo inuu wax ka qabto haddii uu ku guulaysto talada waddanka.

Ugu horrayn waxa uu guddoomiyuhu  ka jawaabay su’aal ku saabsanayd in shaqadii hay’adda Aafooyinka qaranka ee NERAD ay la wareegeen guddiyo abaaraha ka shaqaynaya oo lacago ururin ku hawllan, isaga oo si weyn shaqada hay’adaasi qaranka u hayso, isla markaana sharaxay asbaabta keentay in guddiyo loo magacaabo abaaraha iyo weliba casharro qaran ahaan laga bartay abaarta jirta, “Hay’adda NERAD awoodeedii lagama qaadin, waxana ay ahayd inay soo sugto xogta iyo sahaminta iyo waxa loo baahan yahay in laga qabto hadba abaarta jirta, laakiin ma jirto dhaqaale buuran ay dawladdu keligeed kaga bixi karto abaarta, tamartii xukuumaddana way ka weynaatay oo waxa ay u baahatay in qaranka oo dhammi isugu tago, si ay daa-furnaani u abuuranto ayeynu guddidan u abuuranay, waxana aynu abaartan ka baranay inay muhiim tahay inaynu yeelanto keyd dhaqaale iyo mid farsamo oo abaarta lagaga hortago, imikana waxa lagu socdaa waa hoggaaminta NERAD,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Su’aal kale oo ku saabsanayd inuu guddoomiyuhu diyaarin doono xeerarkii iyo sharciyadii lagu soo dooran lahaa golaha guurtida oo muddo dheer aan cidi beddelin, ayuu iyadana guddoomiye Muuse Biixi Cabdi jawaab ka bixiyey, waxana uu sheegay inaanay aqoon yahanka laftoodu bari ka ahayn qabyo-tirkeeda iyo diyaarinta shuruucdii lagu soo dooran lahaa oo uu ugu horreeyo wax ka-beddel lagu sameeyo distoorka dalku, waxana uu yidhi, “Arrinta gurtidu distooriyan bay u baahan tahay in dib loo eego, waayo ilaa hadda lagama heshiis sida loo doorto guurtida, waana dhaxal, dimuqraaddiyad iyo dhaxalna isma qabtaan, waana su’aal inoo taalla, dadka laga sugayo inay soo dhisaanna qolyaha jaamacadaha ayaa kow ka ah, in dib distoorka dib loo eego iyo shuruucdeena oo guurtidaasi kamid tahay waa arrin qaran.”

Sidoo kale guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu si waafi ah uga jawaabay su’aal nuxurkeedu ahaa waxa uga meel yaalla golaha wasiirrada ee waqtigan haddii uu hoggaaminta dalka ku guulaysto, waxana uu sheegay inay sii wada shaqayn doonaan shakhsi kasta oo shaqo wanaag iyo kartiba u saaxiib ah, isla markaana loo arko inaan looga maarmaynin sii wadista horumarrada dalka ay ka hirgelisay xukuumadda KULMIYE.

Mar guddoomiyaha la weydiiyey qorshihiiisa la xidhiidha saamiga uu haweenka ka siin doono xukuumadda uu hoggaamin doono haddii uu hankiisa ku guulaysto, ayuu xusay meel sare kaga qoran yihiin haweenku qorshihiisa mustaqbal, isla markaana uu maanka ku hayo kaalinta muhiimka ah ee ay haweenku kaga jiraan bulshada iyo kartidooda aan qarsoonayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...