Somaliland: Baarlamaanka Somaliya Awood Uma Laha Inay Ka Doodan Heshiiska Dp-World Ee Somaliland

Date:

Ku-simaha guddoomiyaha Guurtida oo Xukuumadda Xamar Ku Eedeeyey Inay Mooshinkaas Dabada Ka Riixayso

Shir gudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay markii u horreysay ka hadlay mooshin la hor keenay golaha Baarlamaanka Somaliya oo lagaga hadlayo heshiiska saldhiga Milateri ee magaalada Berbera laga siiyey dawlada Imaaraadka Carabta.

Shir-gudoonku waxa ay sheegeen in aanay Somaliya ka hadli karin hawlaha u gaarka ah Somaliland iyaga oo sheegay in Somaliland iyo Somaliya ay yihiin laba dal oo jaar ah oo kala madaxbanaan isla markaana waxa ay xuseen in dal aanu dal kale hawlahiisa ka hadli Karin.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha Guurtida Somaliland ahna ku simaha gudoomiyaha golaha Guurtida Siciid Jaamac oo isagu arrinka ka hadlay ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Mooshinkaa ay Xildhibaanada Xamar ku burinayaan heshiiskii Saldhiga,heshiiskaa dee Xamar kamaynaan galin,heshiiskaa waxa weeye Somaliland ayaa gashay ,dee Somaliland iyo Somaliyana waa Laba dal oo kala gaar ah markaa dee dalna dal kale arrimahiisa iyo maslaxadiisa kama hadli karo hawl u taalana maaha”

Gudoomiye Siciid Jaamac isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in Mooshinkan ay dabada ka riixayaan xukuumadda Xamar waxaana uu yidhi, “Dawladooda Xamar uunbaa ka danbaysa laakiin waxaan u aragnaa inuu yahay wax aanay shaqo ku lahayn oo aan khuseyn inay ka shaqaynayaan”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Saciid Jaamac.

Gabagabadiina hadalkan  kasoo yeedhay Gudoomiye ku xigeenka golaha Guurtida Somaliland ayaa  kusoo beegmaya xilli dhawaan golaha Baarlamaanka Somaliya la hor keenay mooshin la doonayo in lagu laalo heshiiskii Saldhiga Milateri ee ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo dawlada Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...