Madaxtooyadda oo ku Hawlan kala Haadinta C-V-yadda Xildoon ah+ Wasiiradda ugu Tunka weyn oo Seefta Madaxweyne Siilaanyo Dul-saaran tahay, Magacyadda xubnaha Xilalka Waayaya+ Wasiir Shacayb, Ku-xigeen Cali Dhagoole oo Ay Xilka Qaadistu ku Noqotay Fallaadh Jiif iyo Joogba u Diiday+ Xubnaha la magacaabayo oo lagu sheegay Cali Xoor-xoor, Cali Waran-cadde, Axmed Khaliif…
Iyaddoo ay Maalmihii u dambeeyey isa-soo tarayeen Warar sheegaya Inuu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) golaha Xukuumaddiisa uu ku sameynaayo Isku Shaandheyn Miisaan leh iyo isbedel tayeysan,
isla markaana uu hadda ka shawraayo shaqsiyaadka ku fashilmay shaqadii loo igmadday ee u eryaayo iyo sidoo kale kuwa u bedelaayo Wasaaradda kale, ayaa waxa aqalka Madaxtooyadda hadheeyey loollano xil doon iyo C-V xaraysi Siyaasiyiin tiro badan u gudbiyeen Madaxweynaha,
kuwasoo ku dalbanaaya shaqooyinka ay aqoonta u leeyihiin iyo mansabyada qaranka. Waxana Warar u dhuun-daloola qarsiga dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyaddu sheegayaan inay Xilalka waaya’yaan wasiiro miisaan iyo Wasiir ku xigeeno iyo sidoo kale Agaasmiyaal Guud, Gudoomiyayaal Hay’addaha dawladda ah. Waxana intaa la Magac dhabbay kamid ah,
Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Waxbarashadda Cabdilahi dheere, Wasiirka Warshaddaha Shacayb Maxamed Muuse, Wasiiradda Deegaanka Shurgi Baandare, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Cumar Shacayb, Wasiirka hawlaha Guud Cali Mareexan,
Wasiirka Dib-u-dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiirka Duulista Farxaan Haybe iyo Wasiir kale oo tiro badan, waxa kaloo iyaggana xoggaha Biyo kama dhibcaanka ahi sheegayaan inay Seefta
Madaxweynuhuu la tagi doonto Wasiirku xigeeno uu safka hore kaga jiro Wasiirku xigeenka Maaliyadda Md. Cali Dhagoole, Wasiirku xigeenka Waaxda degmooyinka ee Wasaradda Arrimaha Gudaha Jaamac Biin iyo xubno agaasimayaal guud ah.
Dhinaca kale, Shaqsiyaadka ama wajiyadda Cusub ee Xukuumadda soo gelayaa ayaa waxa la magac dhabbay in Wasiirka Ganacsiga logu bedeli doono Maareeyihii hore ee Dekedda Cali Xoor-xoor oo noqon doona Wasiirka ganacsiga iyo maal-gashiga, sidoo kale, Wasiirka Warshaddaha ayaa waxa la sheegay in loo magacaabi doono Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Dalka Finland oo lagu sheegay Magaciisa Axmed Khaliif, waxa kaloo la sheegay in Xil Wasiirnimo loo magacaabi doono Cali Waran-cadde.
ma jirto Cid kale oo aanu helnay magacyadooda dadka la magacaabayo, balse waxa la sheegay inay ku jiraan Siyaasiyiin Miisan Culus ku leh dalka. Haddabba, iyadoo xoogahaasi sidaas yihiin ayaa waxa jira Shaqsiyaad jiif iyo joogba diiday oo seeftu la tagayso, kuwasoo dul meehanaabaya qasriga Madaxtooyadda oo Kolba Odayaal iyo shaqsiyaad nacamlayaal ahi ku diraaya dadka wax laga dhegeysto ee Madaxtooyadda Saameynta ku leh.
Xubnaha jiif iyo joogba diiday waxa kamid ah, Wasiirka Wershaddaha Shacayb Maxamed Muuse oo suuqana ka caayaya Madaxweynaha iyo Caa’iladdiisa haddana Odayaal iyo guulwadayaal uu wax siiyo u diranaayo si loogu daayo Mansabkiisa Wasiirnimo ee Wershaddaha, waxa kaloo xubnaha Ra’ran Gobyoodday ee Fallaadhu ku taagan tahay kamid ah Wasiirku xigeenka Wershaddaha Cali Axmed Maxamed (Cali dhagoole) oo geed dheer iyo mid gaaban-baa u fuushan sidii uu uga hadhi lahaa Isku shaandheytan la filaayo inay sahayato Wasiirku xigeenimadiisa.
Iyadoo Wasiirku xigeen Cali Dhagoole kamid yahay shaqsiyaadka qorshaha laba wajiileynta ah kula shaqeeya Xukuumadda, wana Wasiir Mashaaricda Madaxtooyadda si hoose uga soo horjeeda,
waxanu ku suntan yahay xubnaha intaa badan kiciya bulshada Gobolka Saaxil, isagoo Maalintiini dadweynaha u sheega in Mashaaricda magaaladda Berbera ay Xukuumaddu ka waddo yihiin kuwo faa’iido leh, habeenkii dadweynaha ka garaaco Telefoonadda loo Yaqaan Tiriiyadda, isagoo ugu baaqaya inay Beeli kusoo duushay Gobolka oo dadweynaha ku booriya inay wax iska celiyaan kana hor yimaadaan Mashaaricda Saldhigga.
Sidoo kale, Madaxtooyadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye ayaa si weyn ula socdaa dhaq-dhaqaaqyadda Wasiir Cali dhagoole, waxanu Wasiirku xigeenkaasi beryahan u dambeeyey bulshada Saaxil u ugu baaqayey inay taageeran Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo aaminsan yahay inuu saldhigga Ciidan ee