Mid ka mid ah wasiirada Xukumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa dagaal ka dhan ah Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka bilaabey Deegaanka uu ka soo jeedo.
Masuulkan oo ah wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahin Qabo ayaa waxa uu maalmihii ugu dambeeyey sida warar xog ogaal ahi ku soo gaadhayaan Warbaahinta wargane ay xusayaan in uu kulamo hoose Magaalada Hargeysa kula qaatey Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo ay si wayn dhinaca siyaasada iskugu hayaan Muuse Biixi Cabdi.
Xogaha Wargane masuulkani ka helaayo ayaa intaa ku daraya in sababta uu Wasiir Qabo arintani u bilaabey todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka dambaysay ka dib markii uu ka war helay in Muuse Biixi Cabdi uu Wato isla markaana qorshaynaayo in Xukumada Siilaanyo ka dhaadhicinaayo in wasiir laga dhigo Nin ay isku deegaan ka soo jeedaan oo la yidhaa Siyaasi Maxamed Axmed Caalin Tiimabro kaasi oo dhinaca deegaanka uu ka so jeedo kaga shacbiyad badan Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Qabo.