Somaliland: Golaha Guurtidu Maxay Ku Tilmaaman Mooshin Saldhiga Imaraadka Ee Berbera Golaha Baarlamanka Somaliya

Gudoomiye ku xigeenka Golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac (Timo- Weyne ) ayaa waxaa uu ka hadley mooshin ka dhan saldhiga Military ee laga siiyey dawlada imaraadka magaalada Berbera oo la keenay baarlamaanka dalka Somaliya

Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu baarlamaanka Somaliya ugu baaqey in aanu heshiiskaasi aheyn mid shaqadooda ah , Somaliland iyo Somaliya na ay kala yahiin laba dal oo kala madax banaan isla markaana baarlamaanka Xamar aaney arintani aheyn mid shaqadooda ah

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu Baarlamaanka Somaliya u soo jeediyey in ay ku eedakadaan shaqadooda iyo waxi iyaga khuseeya

Comments

comments