Somalia: Madaxweyne Farmaajo Oo Bari U Safraaya Dalka Imaraadka Carabata Iyo Waxyaabaha La Filaayo Inuu Kala Hadlo

Date:

Madaxweynaha Dalkaasi Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ku sii jeeda dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo maalinta berri uu booqasho ku tagi doono.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar iyo nin la taliye u ah Madaxweynaha oo lagu magacaabo Balal Cusmaan ayaa la sheegay inay ka sii hormareen Wafdiga Madaxweynaha, si ay horu-dhac ugu noqdaan safarkiisa maalinta berri.

Booqashadan ayaa noqon doonta tii u horeysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Imaaraadka, tan iyo markii la doorto, sidoo kale waa booqashadii afaraad ee uu dalka uga ambabaxo muddo lixdan cisho ah oo uu xilka hayay.

Imaaraadka iyo Dawladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhex jiray xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay saldhiga Imaaraadku ka dhisanaayo magaaladda Berbera, kaas oo Somaliland gudaheeda buuq ka dhaliyay sidoo kalena Dawladda Farmaajo ku eedaysay Xukuumaddii ka horeysay ee Xasan Sheekh Maxamuud inay saxeexday maadaama oo aanay wali aqoonsi ahaan kala bixin Somaliland iyo Somalia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dalka Boqortooyada Sacuudigu ka shaqaysay isu soo dhawaanshaha Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu horay Madaxweynaha Somalia ka dalbaday in Sacuudigu ka taageero sidii uu Imaaraadka u joojin laha saldhigga Millarari ee Berbera.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kula kulmo magaalada Dubai madax ka tirsan dawladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo in Imaaraadku xidhiidh dhaw oo saaxibtinimo la yeesho Madaxweyne Farmaajo. Geesta kale Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraadka Carabta ayaa ku soo beegantay , xilli labo maalmood uun ka hor magaalada Abu Dhabi heshiis ku kala saxeexdeen Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, kaasoo ahaa heshiis lagula wareejinaayo Dekeda Boosaaso sherkada DP World..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...