Ethiopia: Ahlu Sunna oo Sheegay inay Buuxinayaan Degaamada Ciidamada Ethiopia Baneeyaan

Sheekh Maxamed Shaakir oo ah Madaxweynaha Maamulka goboleeda dhexe ee ururka Ahlusunna Waljamaca  ayaa sheegay in ciidamada iyaga taabacsan ay diyaar u yihiin inay buuxiyeen degaamadda ay ciidamada ka baxaan ee goboladda dhexe ee dalka

wuxuu sheegay inay isku diyaarinayaan  inay dib ula wareegaan goobihii ay dhawaan baneeyeen ciidamadda ethiiopia oo ay ka mid tahay degmada ceel-buur gobolka Galgaduud,

“ Waxaan rajaynaynaa inaanu buuxino baahida degaamadaas ka jirta, ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka goboladda dhexe, iyagoo kaashanaya shacabkooda sharafta leh, oo aanu ka bixin doono qoorta dadka ay hayaan oo madaxfurashada u haystaan inaanu madaxbanaani iyo xoriyad heli doonaan” ayuu sheekh Shaakir

Dhinaca kale, Sheekhu wuxuu ka hadlay abaaraha baahsan ee ka jira goboladda dhexe, kuwasoo sababay dhibaatooyin dhinaca nolosha oo dadka degaanka soo wajahay, isagoo ku eedeeyay  dowladihii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Xasan shiikh inay ka gaabisay wax u qabashada  dadka gobolada dhexe

Gabagabadii, Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  ciidamada ethiopia ee qaybta ka ah Amisom waxay baneeyay degmooyin kala duwan oo ku yaal koonfurta iyo bartamaha jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana la wareegay kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda federaalka.

Comments

comments