Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay Manchester City kulan ka tirsan Premier League kaas oo ka dhacay Stamford Bridge, waxeyna habeen wacan u aheydn Eden Hazard madama uu dhaliyay labada gool ee ay guusha ku heleen.
Guushii xalay waxey u aheyd muhiim, balse Antonio Conte wuxuu cabsi ka muujiyay kooxda ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Tottenham Hotspur oo dhamaadkii kulankoodii Liberty Stadium xasuuq u geysatay Swansea City.
“Guul weyn ayey noo aheyd, hubanti waxey aheyd wax noo fiican, natiijada Tottenham waa muhiim, balse teena ayaa ka muhiimsan, waa inaan sii wadnaa fikirka sidaan ah”
“Fariinta kaliya ee aan siin karo [ciyaartoyda] waa in Spurs ay u baahan iney guuleysato 8-kulan, sidaas darteed waa inana guuleysanaa 6-kulan isla markaana aan qaadanaa 18-dhibcood, hadii aan sidaas sameyno waan ku guuleysaneynaa horyaalka”
Sidoo kale Antonio Conte ayaan u arki doonin xilli ciyaareed fiican hadii aysan wiilashiisa sidaas sameynin.
“Tani waa hab noo wanaagsan [Sidan ku fakaray], anaga ahaan inaad guuleysato kulan City ah kana qeyb ah xili ciyaareedka waa wax weyn, balse waa inaan ka fakarno kulanka xiga, waxaan qaadanay sadex dhibcood maanta [xalay], sidoo kalana Spurs waxey qaadatay sadex dhibcood”
Si kastaba Antonio Conte ayaa ka hadlay sida uu kaga xun yahay inuusan dhiirigalin buuxda siin karin ciyaartoydiisa madama uusan si fiican u aqoon luqadda Ingiriiska wuxuuna yiri:
“Marka aan joogo Italy, aniga ahaan, xaqiiqdii aad bey iigu fududahay inaan dhiirigaliyo ciyaartoydeyda, halkaan waxaan baranayaa English, balse ma gaarin heerkii ugu fiicnaa ee aan ciyaartoydeyda dhiirigalin ku siin karo, balse waan isku dayayaa”
Ugu dambeyntiina Antonio Conte wuxuu ka aamusay inuu wax badan ka hadlo dhacdadii uu Diego Costa kula kacay Kompany intii ay socotay ciyaarta.
“Marka aad ku jirto ciyaarta, aad bey u adag tahay, Haa, waad arki kartaa dhacdada nuucaas ah balse suuragal maahan inaad sheegto, si loogu xukumo dhacdada nuucaan ah”