War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Oo Imika Ka Hilaacay Magaalada Muqdisho + Khasaaraha Ka Dhashey

Date:

Magaalada Moqdisho ayaa waxaa goor dhaweyd gil gilay qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka dugsigii hore ee Yasii Cusmaan isla markaana sidoo kale u dhaw wasaaradaha arimaha gudaha iyo ciyaaraha

Qaraxan ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsadey baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa .

Inta Badan xaafadaha magaalada Moqdisho ayaa waxaa laga maqlay daryanka qaraxan oo ahaa mid xoogan

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa lala beegsaday maqaayad ku dhow Dugsiga Yaasiin Cusmaan, kaasoo ka soo hor-jeeda Xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in qarax baabuur loo adeegsaday uu ka dhacay maqaayad lagu qaxweeyo oo ka soo horjeeda Xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga

Dhinca kale Goob joogayaal ku sugan degmooyinka Shingaani iyo Boondheere ayaa sheegaya inay arkayeen qiic iyo uuro ka baxayay inta u dhaxeysa Xarunta wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga iyo Dugsigii Yaasiin Cusmaan waxaana qaraxan ka dhashey qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhawaac balse hada si fiican uma kala cad dhibtaadu intey leegtahay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...