Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa bixisay Ruqsad Shirkad laga leeyahay Dalka Jabuuti ay Ciidda Niista ah ee loo isticmaalo Dhismaha Guryaha kaga guranayso Dooxooyinka Gobolka Selel ee Somaliland.
Gaadiidka waaweyn oo ah nooca loo yaqaanno ISKA-ROGOOYINKA, ayaa si maalin leh Biyo-mareennada ama Dooxooyinka Gobolka Selel ee u dhow Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti uga Daad-gureeya Ciidda niista ah, taasi oo la sheegay in Dawladda Jabuuti uga faa’ideysato dhismaha Guryaha.
Qaar ka mid ah Dadweynaha ku ku dhaqan Deegaannada ku dhow Dooxooyinka Ciidda laga Guro oo doraad Saxaafadda kula hadlay halkaasi ayaa Xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay Arrintan wax ka qabato, iyagoo cabasho ka muujiyey in Meelihii Ciidda laga qaaday ay isku Rogeen Godad waaweyn isla-markaana Biyo ku soo maaxeen, Dad iyo Xoolo wixii ku dhacana ay halis ku yihiin.
“Haddii aan ahay Caaqilka Beesha Bariisle in badan baa ka aamusnaa Arrintan, laakiin Saaka (Doraad) waalla i soo kiciyey, markaa waxaanu ka cabanaynaa Gaadiidka (Iska Rogooyinka Jabuuti) oo dhibaato ku haya, halkii ay qodeen waa Gebiyo, Xooluhu markay is-dul-taagaan way ku dhacaan, Dameeraha oo Biyihii sida ayaa la gala Ruufka, halkaasaa lagaga furaa Rarka.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Madax-dhaqameedka Selel oo arrintan ka hadlay, waxaanu intaa ku daray oo uu baaq u diray Xukuumadda Somaliland “Waxaan Arrintan hore uga hadli waayey dee Dawladdii baa Arkaysaba, markaa waxaan leeyahay waxaa Dadku ka cabanayaan ha laga soo gaadho, hadday soo gaadhi waydo Anigu Nabad-doon baan ahay oo ma qaadi karo Masuuliyadda (Wixii ka yimaadda).”
Balse, Badhasaabka Gobolka Selel Axmed Maxamed Xaashi (Axmed-naasir), oo Wargeyska Himilo Xalay Khadka Telefoonka ku waydiiyey waxay kala socdaan Ciidda la sheegay in Dawladda Jabuuti ka rarato Dooxooyinka Gobolka Selel ee Somaliland, ayaa sheegay inay la socdaan isla-markaana Dawladda Jabuuti haysato Ruqsad ay siisay Dawladda dhexe ee Somaliland, waxaanu yidhi isagoo Arrimahaa faahfaahinaya “Wasaaradda Macdanta Somaliland ayaa dalkeena u qaabilsan Ciidda, sidaa awgeed Somaliland iyo Jabuuti ayaa ka wada hadlay oo Wasaaradda Macdanta ayaa ruqsad u siisay shirkad Jabuuti ah oo la yidhaahdo NIIS CONSTRUCTION COMPANY, markaa si rasmi ah ayey u gurtaan, markaa Dawladda dhexe iyo Dawladda hoose ba cashuur ayey ka qaadaan, waana wax dawladda oo dhammi isla ogtahay, mana aha wax la xadayo ee waa wax dakhli inaga soo gelo oo ay shaqo ka heleen dadkeena iyo gaadiidkeenu waana wax sharci ah oo labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti ay Cashuur ka qaadaan, waananu haynaa dhukmantigoodii”.
Badhasaabka oo Wargeyska Himilo weydiiyey dhibaatada ay arrintani ku yeelan karto dalka ayaa waxa uu ku jawaabay “Wasaaradda Macdantu cid ayey u soo direen oo way hubiyeen in aanay waxyeelo u lahayn deegaanka, waxaana weeyi ogolaanshahani tiro cayiman oo ah afar kun oo lowdh”.
Badhasaabka oo la waydiiyey sababta ay u qancin waayeen Dadka cabashada ka keenay hawshan, ayaa sheegay in aanu garanayn oo aanu fahmin cabashada ka soo yeedhaysa dadweynaha, maaddaama buu yidhi aan Warbaahinta uun ka arko oo aanay Cidna Xafiiskayga imanin.
Dhinaca kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo aanu khadka taleefanka kula xidhiidhnay Xalay ayaanay noo suurto gelin in aanu helno, maaddaama oo Telefoonkiisu xidhnaa.